Aqoon Ku Duugan Buugaagta Cilmi Nafsiga

0
670

Qoraaga  aqoonta u leh cilmi nafsiga Oliver Berman ayaa sheegay in buugaagta cilmi nafsigu ay dadka fahansiiyaan nolosha togan ee rejada leh. Qoraaga ayaa ku dooday in cilmi nafsigu uu  dadka dareensiiyo farxad. Berman ayaa aaminsan inay lagama maarmaan tahay inaad qirato khalad aad gashay inay taasi keenayso in aanad mar labaad ku noqon khaladkaasi sidaasina waxa  lagu daabacay  Wargeyska Daily Mail.
 
Qoraaga ayaa intaasi ku daray in qoyska, shaqada iyo dadka kale ee uu xidhiidhku idinka dhexeeyo haddii uu ku dhisnaado niyadsami iyo kalgacal ay  taasi keenayso farxadda joogtada ah ee qofka iyo qoyskaba. Waxaana u sheegay in niyad jabku bilaabmo marka kuwaasi la waayo ayna ka buuxsamaan murugo iyo werwer.
Culimo kale oo badan oo ka mid ah kuwa cilmi nafsiga ku xeel dheer  ayaa iyana arrimahaasi cadeeyay  iyo ku soo koobay in nolosha wanaagsani ay ku xidhan tahay akhlaaqda iyo hab dhaqanka wanaagsan ee qofka. Waxaana ay sheegeen in faalka iyo dadka wax ka sheega maqanaha ay yihiin kuwa niyad jabka ku abuura dadka.
Islaamka ayaa isagu si weyn u cadeeyay akhlaaqda iyo xidhiidhka wanaagsan ee bulshadu inuu yahay mid qofka khayr badani ugu jiro oo uu ku helaayo abaal weyn.

Leave a Reply