Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha Degmada 26 Juune ee Caasimadda Hargeysa Mawliid Keyse Muxumed (Mawliid-Qarro) ayaa ka war bixiyay kormeer uu degmada ku soo maray oo ujeedadiisu ahayd adkaynta nabad gelyada iyo sidii ay wada jir dadweynaha xaafadahada degmada 26 Juun iyo Maamulka Heer degmo uga wada shaqayn lahaayeen xoojinta ammaanka ah.Mawliid Qaro . oo ka xog waramaya kormeerka uu ku sameeyay gemadiisa ayaa, yidhi.“Waxaan kormeer hawleed ku maray Degmada 26 Juune, anniga oo u kuurgalaya Xaalada nabadgelyo ee degmada iyo sidii loo dardargelin lahaa, isla markaana la isaga kaashan lahaa nabadgelyada iyo xoojinteeda”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan shirar gooni gooni ah la galay guddiyada nabadgelyada ee degmada 26 Juune, aniga oo ka hadlayay sidii ay nabadgelyada u ilaalin la ahaayeen,isla markaana isugu xidhnaan lahaayeen, waxaanan ka hadlay sidii dhalinyarada oo xiliyadan danbe fara-baas ku haya nabadgelyada iyo amniga qarankaba.”
Mar uu la hadlayay waalidiinta caruurta dhashay waxaa uu kula dardaarmay “Waxaan ugu baaqayaa mujtamaca ku nool Caasimada Hargeysa,gaar ahaan degmada 26 Juune inay ubadkooda ka adkaadaan, Waalidkastaana uu dabogalo ubadkiisa xaga uu ku maqan yahay,arrintaasina waa mid muhiima”
Guddoomiye Mawliid Qaro mar uu la hadlayay dadweynaha ku nool Waaxda 26 Juune waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha ku nool Waaxda 26Juune ugu baaqaayaa sidii caadada u ahayd inay iska soo bixiyaan wixii lagu leeyahay Cashuur-sanadeedka 2015-ka” Ugu dambayn waxaa uu bulshada 26 Juun deggen kula dar daarmay ilaalinta nadaafadda “Waxaan ka codsanayaa shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Waaxda 26 Juune waxa inagu soo dhow xili roobaadkii DAYR-ta,sidaa daradeed waxa loo baahan yahay inaad iska habeysaan oo Shirkada qashinka gurta aad saartaan, si aanay Caafimaad darro u dhicin.”
Dawannews Hargeysa office