Austria oo dad u xiray dhimasha tahriibayaasha

0
318

Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof oo lala xiriirinayo 70kii mayadadka ahaa ee la helay la xiray.
Dadkaasi dhintay oo tahriibayaal ahaa ayaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo meel cidlo ah looga tagay.
Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi aya waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo ah maydadka la helay dhammaan inay u dhasheen dalka Suuriya.
Waxa uu tilmaamay in dadkan ay u dhinteen gaariga ay saarnaayeen ee qaboojiye ahaa iyo nakhaska oo ku dhegay.
Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in lab aka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, laguna xiray gudaha dalkaasi.
Gaariga xamuulka ah ee laga dhex helay maydadka waxaa looga tagay waddo wayn, maalintii arbacada.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya

Leave a Reply