Maayar Amray In Dadka Magaaladiisu Aanay Xanuunsan

0
338

Amar uu ku sexeexnaa maayarka magaalo yar oo ku taalla dalka Talyaaniga ayaa noqday mid yaab iyo amankaag xambaarsan. Maayarka ayaa amarkan dadka tuulada ka dalbaday inay joojiyaan inay xanuunsadaan isla markaana ay xanuunkaasi u dhintaan. Maayarka ayaa sheegay in iyadoo la tixraacayo baahida loo qabo in dadka tuuladu aany yaraan ay tahay in caafimaadkooda ay ilaaliyaan.
Waxa uu sexeexay David Zykanila oo ah duqa magaalada Celia ee gobolka Catanzaro amarka ah in aan qofna ku xanuunsan Karin  magaaladan.
Wareegatada maayarka ayaa ku baaqday in muwaadiniinta magaaladan  taariikhiga ah oo dhan 537 qof  inay culayska saaraan caafimaadkooda. Waxa kale oo loo sheegay bulshada inay tagaan xarun caafimaad oo bishii hore laga furay halkaasi si ay u sameeyaan baadhis caafimaad. Waxaana la balan qaaday  in qofka xaruntaasi taga laga dhaafi doono cashuurta caafimaadka ee sanadka.
Mudadii amarkani soo baxay waxa xarunta tegay 100 qof oo dhamaantood caafimaadkoodu wanaagsan yahay , Duqa magaalada oo dhakhtar  ah ayaa ka mid ah dadka xarunta lagu baadhay caafimaadkooda. Magaaladan sanadkii  1960 waxa ku noolaa 1300 qof , laakiin hadda waxa ku nool oo keliya dad dhan 537 qof, iyadoo weliba 10 qof ee tuulada ku nool ay 6 ka mid ahi ka sareeyaan da’da 65  sano. Arintaasi ayaa keentay in tuulada haddii tallaabo aan laga qaadin ay noqon doonto mid burburta oo aan wax dad ahi ku noolayn.
Warbixin ay soo saartay hay’adda tiro koobka Talyaaniga ay aa sheegtay in dad yar oo dalkaasi ahi ay wakhtigan leeyihiin caruur, iyagoo badankoodu aanay dhalin wax caruur ah, waxayna muujisay in dalku ku sii socdo heerka dad yaraanta sida lagu baahiyay “Glocal The” news Yurub.

Leave a Reply