Sanad kasta bisha May dadka degan tuulooyin ku yaalla dalka Mexsico ee Latin America ayaa sameeya caadada ah inay dumarku isugu yimaadaan goob banaan oo ay halkaasi ku dagalaaman isla markaana dhiig iskaga keenaan si ay roob u helaan.
Dadkan oo ah beeralay ayaa aaminsan in aanu roobku u da’ayn haddii aanay samayn caadadaasi ay mudada badan ku soo dhaqmayeen.
Bulshada degan tuulada Naho ayaa aaminsan in dhibic kasta oo dhiig ah oo kaga dhacda dagaalkaasi ay usoo bedelayso dhibici roob ah oo badan sidaas darteed gabadh kasta ayaa jecel in gabadha ay la dagaalamayso dhiig badan kaga keento.
Dumarka tuulada ayaa maalinta bandhiga roob doonta ah goor hore toosa si ay u diyaariyaan raashinka maalintaasi la cunayo, iyadoo goobta lagu qabanayo la keeno raashinkaasi si ay u cunaan dadka ka soo qayb gelaya. Waxa kale oo ay sameeyaan inay si fiican u goglaan goobta uu dagaalku ka dhacayo. Dumarka dagaalamaya ayaa goobta yimaada iyagoo mid kasta ay leedahay taageerayaal waxayna mid kasta ku dadaalaysa inay dhiig ka keento tan la tartamaysa. Bilwoga hore waxay isku bilaabayaan hadalo cay iyo aflagaado ah, taasi oo mid kasta taagerayasheedu u qaylinayaan.
Tartanka mararka qaarkood waxa ku biira caruurta iyo raga. Laakiin marka uu dhamaado dabaal degaaasi dadka ka soo qayb galay ayaa laabta is wada saara iyagoo faraxsan oo aaminsan in roobku soo da’ayo.