“Guddoomiye Cirro Wuu Iska Hadlayaa Ee Dastuurka Way Ku Caddahay Inuu Madaxweynuhu Dib Uu Soo Celin Karo”

0
348

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilladda Somaliland,  ayaa sheegay in uu dastuurka waafaqsan yahay qaraarkii madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyay go’aankii Golahaasi  ku laalay in shirkaddo gaara lagu wareejiyo haamaha kaydka shidaalka ee magaaladda Berbera.
Xildhibaan Kijaandhe oo xalay u waramay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu ku dooday in madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu awood u leeyahay in uu dib ugu soo celiyo golaha wakiiladda go’aamada ay ansixiyaan.
“Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu soo celin karo go’aamada ay gaadhaan Golaha Wakiiladdu, markaa Golaha Wakiiladda waxaa laga doonayaa in saddex meeloodoow laba meelood uu golahu ku meel  mariyo go’aamadda uu soo celiyo madaxweynuhu. Guddoomiye Cirrona wuu iska hadlayaa ee dastuurka way ku cadahay inuu madaxweynuhu dib uu soo celin karo go’aamada aqalka Wakiiladda,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee Wakiiladda Md. Axmed Cabdi Kijaandhe.
Xildhibaanku  waxa uu xusay in aanay jirin cid gaar ah  oo loo xidhayo haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera, waxaana uu yidhi “Wasaaradda ganacsigu waxa ay innoo sheegtay in cid kastaa shiidaalka ku soo shuban karto, barigii Total ayay kooto ahayd, laakiin imika waxa la sheegay in cid kastaa ku soo shuban karto shiidaalka oo aan laga celin Karin cidna. Sidii barigii markabkii ilma Faarax Xarbi aan la celin doonin.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu tilmaamay in aan si sharci ah loo marin golaha wakiiladda go’aankii ay ku laaleen in shirkaddo gaar ah  lagu wareejiyo haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera.  “Waxaan u arkaa in la kootarabaaniyay go’aankii lagu laalay in shirkaddo gaar ah  lagu wareejiyo haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera, maalin qudha ayaa loo codeeyay, waxaana ay ahayd in la taliyaha sharciga ee Golaha wakiiladda  loo gudbiyo oo la soo eego mooshinku sharciga ma waafaqsan yahay,  markaa waa la dedajiyay go’aankaa, eedana guddoomiyaha golaha ayaa leh,”ayuu caddeyay Xildhibaan Kijaandhe.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply