Xukuumadda Oo Beenisay In Imaaraadku Aqbalay In Dalkiisa Lagu Galo Baasaboorka Somaliland

0
294

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in dawladda Imaaraadka carabtu ay aqbashay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland oo uu ku saxeexnaa agaasimaha warbaahinta ee wasaaradaasi Saleebaan Daahir. Waxaana lagu sheegay in arrintaas dedaal loogu jiro hase yeeshee aanay wali dhammaanin, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda  Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu  (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.
Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse  weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin
Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu  dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar  Wakiilka Somaliland  ee dalka  Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.
Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga  iyo dhinacyo kaleba leh. Wa Billaahi Tawfiiq.”
Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tilmaamay in uu muuqdo ifafaale wanaagsan oo muujinaya in Somaliland ay aqoonsi hesho, maadaama oo ay buuxisay dhammaanba shuruudihii looga baahnaa in ay dawladi yeelato.
 
Waxaanu sheegay in aanay wakhtigan la joogo jirin sabab ay dawladaha caalamku uga war-wareegaan in ay aqoonsadaan jiritaanka iyo dawladnimadda Somaliland, isla markaana ay beesha caalamku idhahoodda u soo jeediyeen sidii ay Somaliland heshiisyo ganacsi iyo kuwo siyaasadeedba ula geli lahaayeen. Wasiir Maxamed Biixi, waxa uu sidaasi ka  sheegay khuadbad ku saabsan Caqabaddaha hor yaala iyo Fursadaha uu haysto Ictiraaf Somaliland hesho (challenges and opportunities of Somaliland quest for international recognition)  uu habeen hore ka jeediyay  jaamacadda Gollis ee magaaladda Hargaysa.
Khudbadaasi ayaa wasiirku waxa uu kaga hadlay arrimo badna oo ay ka mid ahaayeen nidaamka dawladnimo iyo dimuqraadiyadda ee Somaliland dhisatay, nabadgeliyadda, xidhiidhka ay dawladaha caalamka la leedahay iyo sidoo kale caqabadaha hor-taagan in ay ictiraaf ka hesho dunidda.
 
Maxamed Biixi Yoonis, oo  ka hadlayay horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca dhismaha dawladnimadda iyo dimoqraadiyadda waxa uu yidhi “Somaliland  waxa aad odhan kartaa waxyaabo badan ayay qabsatay oo ay ka mid tahay Dimuqraadiyadu, doorashooyin ayaa dhacay, Madaxweyneyaalbaa is bedelay, wax alaale iyo wixii ku lug leh inay dawladdi lahaato way samaysatay oo hay’addihii ayaa jira, Jaamacadihiibaa jira, Bileyskii ayaa jira, Milatarigii ayaa jira, Calanbaynu leenahay, Lacagteeniibaa socota, Cashuurtii ayaynu qaadnaa, Cusbitaaladii ayaa jira, markaa wax alaale iyo wixii shuruudo dawladd looga baahnaa ee ay lahayd waynu samaysanay oo sidii ay dawladdi u dhaqmaysay ayaynu u dhaqanaa, hase yeeshee Ictiraaf ma haysano”.
 
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay u dhamays tiran yihiin dhamaanba shuruudihii looga abaahnaa in qaran yeesho, sida xuduudaha ay caalamku aqoonsan yahay, lacag u gaar ah, ciidamo iyo waxyaabo kale. “Maxaa lagu qiyaasaa Qaran? Waxa lagu qiyaasa a khaasatan marka ay shuruudaha ay buuxiso, gaar ahaana waxa la soo qaataa markaa Convention-kaasi waxa uu sameeyey inuu qeexo waxa uu  yahay Qaran.  markaa waxa uu sheegaa in State-kaasi uu lahaado Dad, waa inuu xuduud mucayin ah yeeshaa, waa inuu dawladd lahaadaa jirta oo shaqaynaysa, waana inuu lahaada awood uu heshiisyo kula galo dawladdo kale, kuwaasi waa afarta shuruudood ee ugu waaweyn ee ay dawladdi yeelato Somaliland-na afartaasi shuruudood way buuxisay.
Xuduudahana  waynu leenahay oo waliba inagu maynaan dhigin ee gumaystihii ayaa dhigay, oo aynu xuduudo la wadaagno Djibouti, Somalia Iyo Ethiopia, isla markaana aynaan kharibin xuduudihii uu gumaystuhu dhigay, waxaad odhan kartaa xuduudo mucayin ah ayaanu leenahay, waxa kale oo aynu leenahay Heshiisyo aynu la galno dawladdo kale oo waad la socotaan inta badan waxa aad aragtaan aniga oo dawladdo heshiisyo la saxeexanaya haba ahaato Ethiopia oo aan imika dhawaan la saxeexanay Barnaamijka Barnaamij ugu weyn oo ah ka dhaca Somaliland iyo Ethiopia in waxa Corridor lagu tilmaamo ee Jidkan Togwajaale ilaa Addis Ababa, tareen Berbera ilaa Diridhaba socda, biyo, laydh, markaa heshiisyo farabadan ayaanu la saxeexanaa shirkaddo, dawladdo iyo dad badan oo jira” ayuu yidhi Maxamed Biixi.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaynu leenahay awoodaa aanu heshiisyo kula saxeexano ama kula gaadhno dawladdo fara badan iyo ururadoodii iyo safaarado badan oo dawlado badan matala ayaa halkan jooga oo safaaradaa wadankan degan, markaa cilaaqaad ayaanu ilaa hadda wadnaa.Hase yeeshee, inkastoo aynu shuruudihii buuxinay ilaa hadda ma haysano Ictiraaf buuxa , balse ilaa imika waxa aynu nahay oo aynu haysanaa waxa ay ugu yeedhaa”.
 
Wasiir Biixi, oo ka hadlayay kuwa ay yihiin caqabadaha hor-yaalla aqoonsiga Somaliland, waxa uu yidhi “Hadaba Maxaa Haysta Ictiraafkeena? Halkeese aynu u maraynaa?, waxa ugu horeeya in inagu aynu is-Ictiraafno oo aynu dalkeena nabadgalyadiisa ilaashano, oo uu jiro midnimo dalkeena iyo dadkeena ah. waxaa jirta dawladeena iyo dawladihii horeba ay dedaal farabadan ay ka sameeyeen sidii ay Ictiraafkaasi u raadin lahayn.
Waxay aniga iigu muuqataa shakhsiyan in Ictiraafkeenu aanu dheeraan doonin, Ictiraafkeenana aynu heli doono wax la inoogu diidaana aanu jirin, waxa ugu weyn ee aanu isku mashquulinaa Wasaarad ahaan waxa weeyi in horta wadankaasi arimihiisa hadayn ahaan lahayd Dhaqaalihiisa ee caalamku uu ku tilmaamo aad xoojiso oo shirkadaha iyo dawladaha waxa aad kala saxeexanaysaan ay bataan.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply