Imaaraadka Carabta oo Askar lagaga Laayay Yamen

0
313

Dowladda Isutaga Imaaraada Carabta ayaa sheegaysa in labo iyo labaatan ka mid ah ciidamadooda la geeyay Yaman ay dhinteen.
Ciidamada Imaaraadka carabta ayaa waxay qeyb ka yihiin xulufada carabta ee taageereysa dowladda Yemen ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta mucaaradka.
Wararka ayaa sheegaya in warbaahinta Isutaga Imaaraadka Carabta ay sheegtay in askartu ay dhinteen ka dib markii qaraxyo isdebajoog ah si shil ah ay ku bilowdeen ka dib markii uu dab qabsaday maqaasiinta hubka.
Hase ahaatee, Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay iyagu ka danbeeyeen dabka kacay ka dib markii ay gantaal ku dhufteen keydka hubka ee ciidamadaasi.
 
 

Leave a Reply