Ingiriiska oo Gacansiinaya Qaxootiga Suuriya

0
291

Ra’iiwal Wasaaraha Britian, David Kameron ayaa waxaa uu sheegay in Ingiriisku  ay dib u dajin siineyso kumanyaal dheeraad ah oo mid ah qaxootiga wadanka Suuriya.
Mr. Kameron ayaa waxaa uu sheegay in qaxootigaasi laga soo qaadayo xeryaha Qaramadda Midowbey ee ku yaala deegaanadda dariska la ah dalka Suuriya.
Waxuuna uu balan qaaday in uu xal mudada dheer ah loo raadinayo qalalaasaha qaxootiga.
Ra’iisal Wasaaraha Britain oo ka hadlayay ka dib markii uu kulan kula yeeshay dhigiisa magaaladda Lisbon ee caasumadda u ah dalka Bortaqiisa ayaa waxaa uu sheegay in Britain ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo caawin lahaa dadka ku baro kacay colaadda Suuriya ee afarta sanadood socotay.
Waxaana la soo saari doonaa faafaahin dheeraad ah oo arrinta la xidhiidha todobaadka soo socda marka wadaxaajood lala yeeshay ururadda gobolka ka shaqeynaya.
 

Leave a Reply