Kulanka Boqorka Sucuudiga iyo Obama

0
341

Boqorka Sucuudiga ee  Salman ayaa kula kulmaya madaxweyne  Barack Obama magaalada  Washington, kulankaasi oo  qeyb ka ah socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Sucuudi Carabiya tan iyo markii la boqrey bishii Janaweri.
Kulanka ayaa imanaya xilli ay xiisado ka jiraan xidhiidhka labada dhinac.
 
Boqorka ayaa la filayaa inuu ku celiyo walaaca dalalka khaliijka ee heshiiskii dhawaan dhacay barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Waxa ay ka cabsi qabaan in  cunaqabateynta oo Iiraan laga qaadaa awood u siinayso in ay u fidiso taageero kooxaha maleeshiyaadka iyo dhaqdhaqaaqyo ay u arkaan in ay gobolka ka abuurayaan xasilooni darro.
Mr Obama ayaa la filayaa inuu boqor  Salman  u xaqiijiyo in heyadaha samafalka loo fududeeyo in ay galaan Yemen oo isbaheysiga Sucuudigu ay kula dagaalamayaan fallaagada xuutiyiinta.
 

Leave a Reply