Kuuba oo soo Dhaweynaysa Dhakhaatiirta soo Guryo noqonaya ee Hore uga Goostey

0
636

Kuuba ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso dhakhaatiirta soo guryo noqonaya oo hore uga goostey iyaga oo ka shaqeynayay  mashaariic dawladdu taageerto oo  ka socdey dibadaha.
Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in dhakhaatiirta fakadey ee ku jira  xaaladaasi  loo ballanqaadayo in laga siinayo shaqo  Kuuba, islamarkaana aaney la kulmi doonin wax ciqaab ah ama sharaf ridid ah.
Ilaa  25,000 oo dhakhaatiir Kuubaan ah ayaa waqtigan ka shaqeeya mashaariic dibadahs ah oo ay abaabushey xukuumada shuuciga ah ee jasiirada Kuuba.
Waqtiyadii hore inta badan Kuubaanka ka carara dalkaasi ayaa mamnuuc ka ahaa in ay ku soo noqdaan jasiirada waqtiyo dheeraa.
Baaqan waxaa kale oo loogu yabaahay dhakhaatiirta loggu ogggolaadey in ay dibadaha ugu baxaan fiiseyaal rasmi ahaa, waxaana ay arintani ka dhalatey siyaasada aadka u furfuran ee uu soo saarey sannadkii 2013 madaxweyne  Raul Castro.

Leave a Reply