Madaxweynaha dalka Nayjeeriya, Mohammadu Buhari ayaa u gudbiyay Hay’adda Xisaabo Xilmaleh hantida uu Madaxweynuhu gaarka u leeyahay, tanina waxay qeyb ka tahay dadaal lagu dardargalinayo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Buharu in ka yar 150,000 dollar ay bangigiisa ku jirto, waxuuna leeyahay shan guri.
Hantida madaxweynaha ayaa waxay si weyn uga badan tahay hantida uu leeyahay qof caadi ah oo Neyjeriyan ah, hase ahaatee marka la barbardhigo hantida siyaasiyiinta madaxweynuhu waxaa uu heysto waa sarif uun.
Mr. Buhari ayaa waxaa lagu doortay barnaamij lagula dagaalamayo musuqmaasuqa. Wariyeyaasha ayaa waxay sheegayaan in qaar badan oo ka mid ah dadka Nigeriya ay rajeynayaa in siyaasiyiinta iyo saraakiisha kale ee xaday hantida dowladda in dhawaan maxkamaddo la horkeeni doono.
Imaaraadka Carabta o