Wasiirro Dhagax-dhigay Ceel-biyood Waraabin Doona Shacbiga Wajaalle

0
347

Gabilay (Dawan)- Wasiirrada Wasaarada Khayraadka Biyaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigey ceel-biyood cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Botor ee degmada Gabilay, kaas oo loogu tallo galay in uu waraabiyo magaalada Wajaale.
Xaflad loo sameeyay  mashruuca qodista ceel biyoodkan ayaa lagu qabtay isla deegaanka Botor, waxaana ka soo qayb galay Wasiirro, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabilay, Maayarrada Degmooyinka Gabilay iyo Wajaale, iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Wakiilka Hay’adda Al-suna Wal Khayriya ee Somaliland Sheekh Xasan Cismaan ayaa ugu horrayn ka hadlay munaasibadaasi waxaanu yidhi “Walaalayaal waxaan u mahad naqayaa ILLAAHA inoo suuro geliyay kulankan, marka labaad waxaan u mahad naqayaa madaxda qiimaha badan ee halkan innoogu timi, ganacsatada Gabilay iyo Wajaale ee halkan innoogu yimi.Aniga oo ku haydlaya afka hay’adda samafalka ah ee Al-suna Wal Khayriya, oo ka shaqaysa waxyaabo badan oo khayri ah, oo ay ugu horrayso dacwada ILLAAHAY iyo diinta Islaamka, iyo goobaha khayrka iyo wanaaga lagu barto, waxyaabo badanna aanu ka hirgelinay gobolka Gabilay.  “Waxa kale oo aanu ka qayb qaadanaa waxyaabaha kale ee kaabayaasha nolosha ah, hadday tahay biyaha, caafimaadka iyo wax kasta oo la soo gudboonaada sida abaarihii oo kale oo aanu ka qayb qaadanay oo aanu qaybinay raashin.”
Wakiilka Hay’adda Alsuna Wal Khayriga ee Somaliland Sheekh Xasan Cismaan waxa uu ka hadlay Ceelbiyoodkan laga dhagax dhigay deegaanka Botor oo ka tirsan degmada Gabilay waxaanu yidhi “Waxaa maanta noo farxad ah in aynu dhagax dhigno ceel-biyoodkan oo laga waraabin doono degmada Wajaale oo ah magaalo Tijaari ah. Waxaan mar labaad u mahad naqayaa weftigan inala socda ee ay ka mid yihiin walaalkay Mustafe Cabdi Gaboobe iyo Siciid iyo safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland Baashe.”
Mustafe Cabdi Gaboobe oo ah masuuliyiinta hay’adda ee fadhigoodu yahay  dalka Imaaraadlka Carabta ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaanu yidhi “Ceelkan waxaa bixiyay jamciyada Daarul Birra, oo iyadu bixisay ilaa lix boqol oo mashruuc oo aanu ka fulisay Somaliland, boqol iyo labaatan ceel yaanu ka samaynay, afartan madarasadood, laba MCH, arday badan oo aanu jaamacadaha ka bixino iyo  mashaariic kale oo badan.”
Wasiirka wasaaradda Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna xafladaasi ka hadashay waxaanay amaan iyo bogaadin u jeedisay hay’adda khayriga ah ee maalgelisay mashruucan ceel-biyoodka ah waxaanay tidhi “ILLAAHAY ayaa mahad leh, in aynu maanta u joogno biyahaa loo samaynayo Wajaale,  Hay’adda Alsuna Al Khayriya ayaana fulinaysa mashruucan, mana aha biyahan oo kaliya meelo badan oo aan annagoo  maray waxyaabo badan ayay ka qabteen, haddii ay biyaha tahay, hadday caafimaadka tahay, haddii ay waxbarashada tahay.
Waxay dhiseen iskuulo leh  garoomadii ay caruurtu ku ciyaaraysay. waxa kale oo ay raashin ka qeybiyeen abaarihii meelo badan oo ka mid ah dalka, waana hay’ad aan inta badan warbaahinta kaxasysan oo aan istusnimo iyo wax ku bixin ee sidii ILLAAHAY yidhi wax u bixinaysa.”
 
Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay u mahad naqday safiirka Somliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cumar waxaanay tidhi  “Waxaan u mahad naqayaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mudane Baashe Cumar, muddadii yarayd ee uu joogay dalka Imaaraadka Carabta wax yaabo badan ayaa u qabsoomay Somaliland, taasina waa nasiib oo ILLAAHAY baa  xilkiisa ku asturay iyo dedaal dheeraad ah oo uu sameeyay, cid kasta oo arrimaha khayriga ah ka shaqaysana dhinacayaga xukuumad ahaan waxaa naga go’an in aan taageerno waxna la qabano, waana ballan qaadkii madaxweynaha in Wajaale biyo yeelato.”
Wasiirka Wasaarada khayraadka biyaha Somaliland mudane Baashe Cali Jaamac ayaa isaguna halkaais ka hadlay waxaanu yidhi “Dadwaynaha xaflada ka soo qayb galay dhamaan waan salaamayaa, waana laga waramay doorka hay’ada Alsuna Al Khayriya iyo Daarul Birri,  anNaguna haddii aanu nahay wasaarada biyaha iyo xukuumadda waxaanu balan qaadaynaa in aanu bamkana gelino, mishiinkana saarno.”
Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabilay Cali Cabdillaahi, Maayarka Gabilay Maxamed Amiin Cumar Dheere, Maayarka Degmada Wajaale, Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Xildhibaan Xasan Cawaale, Sheekh Makaawi oo ka mid ah culimada waawayn ee Gabilay, odayaal Culimo iyo wax garad kale, waxaanay dhammaantood u mahad naqyeen wasiirka wasaarada Ganacsiga oo Beertan Ceelkan iyo Ceelashii horeba la qoday bixiyay, wax kharash ahna aan ka qaadin qaranka.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hareysa office

Leave a Reply