Cashuurtii Kaadhadhka Kushabashadda Telefoonada Gacantu Halkee Ayay Ku Dambeeyeen?

0
289

Dhibaatooyinka dhaqaale ee adeegga Zaad-ka iyo E-DAHAB ku hayaan  bulshadda reer Somaliland iyo guud ahaan Qarankaba, maaha mid fallanqeynteeda lagu dhammayn karo toddobaadyo amase bilo. Balse waa mid u baahan in daraasad dheer laga sameeyo, kadibna si ka ballaadhan maqaallo lagu soo daabaco Wargeysyada loogu soo bandhigo shacbiga iyo dawladdaba saaxad u furan dadweynaha. Doco kala yara geddisan oo ka mid ah dhibaatooyinka uu ku hayo adeegga Zaad-ka iyo E-dahabku , guud ahaan dhaqaalaha dalka iyo sicir-bararka aan xakamaha lahayn ee uu abuuray, ayaa waxanu hore si xidhiidh ah idiinku soo gudbinay isla wargeyskan Dawan.
Si haddaba akhristayaashu uga gun-gaadhaan xaqiiqada, waxaan mawduuceenan cusubna ku eegi doonaa sidii ay Shirkadda Telesom oo ahayd waqtigaa ta kaliya ee dibedda ka keeni jirtay Kaadhadhkii ku shubashada ee Mobiles-ka uga hoos siibatay cashuurtii laga qaadi jiray dhammaan wixii kaadhadh ahaa ee ku shubashada Mobile-ka loo isticmaali jiray. Cashuurtaa waxa ay Shirkaddu ugala fakatay Wasaaradda Maaliyadda oo  hore si joogto ah uga qaadi jirtay, qaab aan ku tilmaami karo indha-sarcaad iyo khiyaano cad oo ay u dhex raaciyeen tiknoolajiyada casriga ee adeegga Zaad-ka bilowgiisii.
Qaabka shaqo ee adeegga Zaad, nidaamka uu hadda u shaqeeyo ee dhinaca lacagaha lagu isticmaalo mobillada, hore ayaan u soo sheegnay in aanu waxba ka duwanayn nidaamka lacagaha elegtarooniga ah  kan soo daabacashada lacagaha faalsada ah. Kaadhadhkii ku shubashada ee Mobillada ee  Shirkadda Telesom  ka bixin jirtay Cashuurta markay bilaabeen in dadka ka furta Shirkadda adeegga Zaad, ay si dhib yar ugaga shuban karaan telefoonkooda hadba xaddiga lacag ah ee ay doonayaan inay u isticmaalaan ku hadalka, cid kasta oo adeeggaa ka soo furatay Shirkadda Telesom, lacagina ugu jirto akawnkiisa Zaad-ka. Tallaabadan uu qof kasta oo leh adeeggaasi uu si dhib isagu iskugu shubi karo hadba inta lacag ah ee uu doonayo inuu ku hadlo. Haddaba markay arrintaas ugu hirgashay siday rabeen iyo si ka sii wanaagsanba, ayaa halkii ay ka bixin lahaayeen Cashuurtii ku waajibtay ee ay hore uga qaadi jireen Waaxda Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyaddu Kaadhadhkii ku shubashada Mobillada ee ay dibedda ka keeni jireen oo mid kasta lagu dul qoray qiime u gaar ah oo ka bilaabmayey $ 1 – $ 5-10, ayey kala aamuseen bixinteedii, maadaama aanay jirin wax kaadhadha oo laga xannibi karaa.
Cashuurtii waajibka ku ahayd ee ay bixin jirtay Shirkaddu, sidaa ayey daaqadda uga tuurtay, maadaama ay hawlahoodii ka ganacsiga Kaadhadhka ee ku shubashada Mobillada ka dhigeen mid ku xidhiidhsan isgaadhsiintooda ay sii casriyeeyeen,waxayna iska dhaadhiciyeen inaan wax cashuur ah oo lagala xisaabtami karaa ama la weydiin karaa jirin. Waa wax caadi ah oo inta badan lagu yaqaan ganacsatada caalamka oo dhan, inay ku dhaqaaqaan tallaabo kasta oo ay iskaga yarayn karaan ama kaga fakan karaan bixinta Cashuuraha ku waajibtay ganacsigooda, kuwa dunida saddexaadna tiradaba ha ku darin iyaga, waayo waxay u arkaan cashuur oo dhanba mid xoog ay kaga fara-maroojinayaan dawladahoodu.
Ku-shubashadii Kaadhka ee ay Telesom ku beddeshay, in Zaad-ka lagaga shubto maaha mid ka baajin karta inay iska bixiso Cashuurtii kaga waajibtay iibka oo ah inta daqiiqadood ama saacadood ee Shirkaddu lacag ahaan uga iibisay qof kasta oo isticmaala Mobile wata SIM-kaadhkooda. Cudurdaar kama dhigan karaan Shirkaduhu inay ku lunsadaan Cashuuraha noocan ee hore looga qaadi jiray, balse ay kaga hoos siibteen markay soo saareen adeegga Zaad oo u beddelay kaalinta kaadhadhkii la cashuuri jiray. Wasaaradda Maaliyaddu hadday u il-duufeen waqtigaa ama siyaabo kaleba uga fakadeen bixinta cashuurta lacagta ku shubashada ee Mobillada, waa lagama maarmaan in imika laga daba tago oo lagala xisaabtamo wax allaale iyo wixii cashuuro ahaa ee ku waajibay laga soo bilaabo waqtigii Zaad-ka ay ku beddeleen kaadhadhkii laga cashuuri jiray.
L A  SOCO……… ………….

Leave a Reply