Adigoo Haysta Qarannimo, ha ku doorsan Qolonnimo!!

0
312

Aasaaska iyo jiritaanka ummadnimo waxa saldhig u ah dareen-wadareed-shacab oo qoto dheer oo bulshada ku abuuran, kaasoo ay guud ahaanba ka siman-yihiin rag iyo haweenba.  Dareen-wadareedka ummadnimo waa ka muwaadin walba ku baraarujiya ee ku boorriya in mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siiyo halka ay ku jirto danta iyo maslaxadda Dalka, Dadka iyo Qarannimadu. 
 
Waqtigan xaadirka ah waxa si cad u muuqda in Qabyaaladda iyo reer-hebelnimadu ay noqdeen Min-qiyaaska iyo Halbeegga keliya ee jiheeya qaab-nololeedka ummaddeena. Gaar ahaan marka la eego xagga fikirka siyaasiga ah, qaybo badan oo ka mid ah bulshada Jam.Somaliland Qabyaaladda ayaa haatan noqotay barta keliya ee ay ka shidaal qaataan ama ay ka soo dheegtaan aragtidooda siyaasiga ah.
 
Haddaba su’aalaha u baahan inaynu is-weydiino waxa weeyi:
 
Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta shaqsiga iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?
 
Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar walba isku mashquuliyaan oo ay tacab iyo tamar badanba ku bixiyaan taageerada dan gaar ah oo uu qof leeyahay, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii bulshdoo dhan u dan ah?
 
Aniga aragtidayda, ku dhaqanka qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo qof-necbaysiga ay bulshadeenu caadaysatay ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee ay Danta iyo Dareenka Qabiilku uga xoog bateen Danta guud ee Qaranka iyo inay bulshadu yeelato Dareen-Wadareed Ummadnimo oo ay ka midaysan yihiin. Reer-hebelnimada iyo ku dhaqanka maan-dooriyaha Qabyaaladda ayaa bulshadeena ka indho-tiray mudnaanta, ahmiyadda iyo awoodda uu leeyahay dareenka wadajirka bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadu!! Waxaanad moodaa in xataa Caqiidatul-Islaamkiiba ay Qabiilka iyo reernimadu inagala culus yihiin.
Haddaba, haddii ay hanka, hiigsiga iyo himilada ummaddu hoos u dhacaan, waxa luma dareen-wadareedka bulshada, waxana hiil hela oo kobca Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dareenka dan-shaqsi ka fikirkaWaxa baaba’a oo libdha aasaaskii iyo jiritaanka ummadnimo iyo  dareenkiibulshada oo dhan midayn lahaa, rag iyo haweenba. Halkii laga fikiri lahaa danta guud ee bulshada nolol-wadaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka, waxa mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siiyaa sidii uu qof wax u noqon lahaa ama uu qabiil wax u heli lahaa. Waxa timaadda xaalad ay ummaddaasi isku guubaabin waayaan wanaagga, samaha, horumarka, runta iyo caddaaladda. Waxa timaadda xaalad ay ummaddaasi ka garaabi waydo xaqa iyo wixii gar ah. Waxa timaadda xaalad ummaddaasi ay ka dhiidhiyi waayaan xumaanta iyo xaq-darrada maalin-laha ah. Dabadeed waxa dhacda in Qofkii Qummanaa ee runta ku hadlayey uu bulshada dhexdeeda ku sifooboQaldane; qofkii Qaldanaa iyo Af-miishaarkiina  ay bulshadu u aqoonsato Qummane. Arrimahan oo dhammi waxay halis iyo hagar-daamoba ku yihiin min-qiyaaska horumarka bulshada iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada ummadda.
 
Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagaga rumayn karaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Taasi ayey danta guud ee bulshada iyo maslaxadaha Qarankuba ku jiraan kuna tamarin karaan. Midnimadu waa sida keliya ee lagu difaaco karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Haddii ay bulshada JamSomalilandmideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho-dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin. Ummadda JamSomaliland haddii ay iyagu is-aqoonsan yihiin oo ay ku qanacsan yihiin kuna kalsoon yihiin ummadnimadooda, aqoonsi la’aanta bulshada caalamku waxba kalama maqna!!
 
Guntii iyo gebagabadii, sida ay Guryaha, Iskuullada, Dhakhtarrada, Dariiqyada iyo Adeegyada kale ee Bulshadu dib-u-dhis iyo dayac-tir ugu baahan yihiin, ayey Dareenka, Garaadka iyo Fikirka dadkuna dib-u-dhis ugu baahan yihiin. Waxa lagama maarmaan ah in baraarujinta bulshadeenna si fiican loogu hawl-galo oo ummadda la wacyi geliyo laguna beero dareenka waddaninimada, ka midnimada iyo masuuliyadda qof walba ka saaran daryeelka danaha Qaranka. Haddii aynu doonayno inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay, waxa waajib iyo lagama maar-maanba ku ah ummadda JSL in dedaal dheer oo midaysan loo galo sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.  Sidaa darteed Muwaadin:  “Adigoo haysta QARANNIMO, ha ku doorsan QOLONNIMO!!”
Dawannews Hargeysa ofice
 

Leave a Reply