Xulka Gobolka Buuhoodle Oo Soo Gaadhay Hargaysa

0
300

Hargaysa (Dawan): Xulka kubadda cagta ee  gobolka  Buuhoodle uga qayb geliya   tartanka ciyaaraha goboladda  oo   bishan ka bilaabmaya magaaladda Boorama   ayaa  habeenimadii xalay soo gaadhay  caasimadda Hargaysa.
 
Xulkan kubadda cagta Buuhoodle  oo ka kooban 24 xubnood, oo isugu jirra  macalinka tababaraya iyo isuduwihii gobolka Buuhoodle ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, si ay ugu diyaar garoobaan tartanka goboladda Somaliland ee kubadda cagta.
 
Xulka   kubadda cagta ee Buuhoodle oo uu hogaaminayo Maxamed C/raxmaan oo ku magac dheer Looddo, oo ah macalinka xulka kooxdaasi  oo ay la socdeen  qaar ka mid  ciyaartooyadda xulka kubadda cagta ee  Buuhoodle uga qaybgelaya ciyaaraha goboladda   ayaa shalay  nagu soo booqday xarunta wargeyska DAWAN  waxaanay  ka warbixiyeen  sida ay ugu diyaar garoobayaan tartankaasi iyo sida ay isugu diyaariyeen.
Maxamed C/raxmaan,  oo ku hadlayay afka xulka Buuhoodle ayaa faahfaahin ka bixiyay  safarkoodda ay ku yimaadeen Hargaysa iyo waxa uu qorshahoodu yahay. Waxaanu  yidhi “Maalinimadii shalay (doraad)  ayaanu ka soo ambabaxnay xarunta gobolka  ee Buuhoodle,  anagoo ah xulkii gobolka oo dhamaystiran,  maamulkii  iyo ciyaartoygiiba, waxaanuna nahay 24 xubnood oo ciyaartoy ah,  aniga oo ah macalinkii kooxda iyo isuduwihii gobolka Maxamed  Cabdi  Xiis.
Ku  tallo-galkayagu maanta (shalay) waxa uu ahaa nasasho.  Sidaa  darteed cid aanu is-aragnay ma jirto,  wasaarad ahaan, guddi qaban qaabo iyo masuuliyiinta gobolka Buuhoodle ee xukuumada ugu jiraba, xilliga loo iclaamiyey inay ku soo xeroodaan xulalka goboladu. Waxaanuna  qaabka shaxda goboladda loo diyaariyey aanu kulamada ciyaareed ku qorshaysanahay in aanu  Boorama kaga qayb geli doono”.
Dhinaca kale tababaraha xulka Buuhoodle waxa uu ka hadlay  waxyaabo ay u baahan yihiin ka hor inta aanu bilaabmin tartanku, sida  garoomadii ay tababarkooda ku sii qaadan lahaayeen, kubaddo, dhaqaale iyo waxyaabo kale. isagoo sheegay in aan weli wax dejin ah loo sameynin  balse   ay iyagu iskood ilaa hada isku maamulayaa.
 
“Inta  aanu ognahay  muddo 10 maalmood ayaa   ka hadhay qabsoonka ciyaaruhu sidaas darteedna aanu u baahanahay in aanu helo Garoon aanu ku sii dhamaystirano tababarkayagii noo socday. Sidoo  kalena ma wadano wax aanu tababarka ku sii qaadano sida kubadihii, maaliyadii iyo dhamaanba agabyada is-boorti ee lagama maarmaanka u ah koox  tartan ka qayb gelaysa.  weli wax dejin ah oo la noo sameeyayna ma jirto, anaga ayuunbaa ilaa hadda isasii maamulayna” ayuu yidhi Maxamed C/raxmaan.
 
si kastaba ha ahaatee xulka gobolkan kubadda cagta eek a socda   Buuhoodle ayaa  noqonaya   kii ugu horeeyey ee ka qayb gala  tartan ciyaareedka  sanadkan 2015-ka
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply