Kumanaan Muhaajariin ah oo Gaadhay Jarmalka iyo Austria

0
302

Kumanaan qof oo qaxooti ah ayaa soo galaya Jarmalka iyo Austria kadib markii ay ku go’doonsanaayeen maalmo Hungari.
Inta badan muhaajiriintan ayaa doorbidaya in ay magan-geliyo ka raadsadaan dalka Jarmalka, waxaana la filayaa in 8,000 oo muhaajiriin ah ay nuska dambe ee maanta gaaraan Jarmalka.
Saraakiisha dalka ayaa sheegay in Jarmalku uu aqbali doono illaa iyo 800,000 oo kun oo muhaajiriin magan-geliyo doona ah inta lagu jiro sanadkan.
Muhaajiriintan ayaa ka soo tagay dalka Hungary kuwaasoo ku soo safray basas, tareen iyo lug, iyadoo inta badan muhaajiriintani ay yihiin kuwo soo maray dalka Hungary.
Midowga Yurub ayaa ku kala qeybsamay tirada badan ee muhaajiriinta ee aan horay loo arkin ee ku qulqulaya qaarada Yurub.
Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda Federica Mogherini ayaa ka digay muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub, iyadoo ugu baaqday Midowga Yurub in uu la yimaado go’aan waxtar ah oo arrintaasi looga jawaab bixiyo.
 
Ilaa toban kun ayaa lagu waramayaa inay galeen Austria Sabtidii, intooda badan ayaa sii aaday Jarmalka
Ilaa toban kun oo qof ayaa la sheegay inay soo galeen Austria Sabtidii, intooda badana waxay u gudbeen Jarmalka.
Dad ayaa ku soo dhaweeyay qaxootiga markii ay soo galeen Jarmalka iyagoo u sacbinaya.
Dowladda isbahaysiga ee Jarmalka ayaa dhowaan kulmaysa si ay uga hadlaan qorshaha Jarmalka iyo Yurub ee looga jawaabayo dhibaatooyinka qaxootiga

Leave a Reply