Ruushka Hubeynta Suuriya iyo Digniinta

0
327

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, si uu ugu muujiyo walaaca uu ka qabo warar sheegaya in xukuumadda Moskow ay xoojisay joogitaankeeda ciidan ee Suuriya.
Ruushka ayaa ka mid ah dalalka hubka ugu badan siiya dowladda Suuriya. Balse waxaa jiray warar sheegaya in uu kordhiyay hubka casriga ah ee uu siiyo maamulka Asad, isla markaana uu dalkaasi geeyay khubaro milateri oo dheeraad ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ruushka uu doonayo inuu hogaanka u qabto dagaalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda.
Mr Kerry ayaa u sheegay Mr Lavrov in haddii ay dhab yihiin wararkaasi, in taasi ay uga sii dari karto dagaalka socda, ayna weliba dhalin karto iska horimaad dhex mara Ruushka iyo xulafada uu Mareykanka horkacayo ee ka howlgala hawada Suuriya, si ay u duqeeyaan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Jimcihii sheegay in aan la gaadhin waqtigii laga hadli lahaa in ciidammo toos ah ay u diraan Suuriya, balse dowladdiisa ay xukuumadda Dimishiq ka caawineyso hubka iyo tababarka ciidanka.
Ruushka ayaa ka walaacsan tabaryarida xukuumadda Suuriya iyo awoodda isa sii tareysa ee ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka, waxaana uu sheegayaa inuu ka shaqeynayo sameynta xulafo ballaadhan oo ka dhan ah argagixisada.
 

Leave a Reply