Mid kasta oo ka mid telefoonada gacanta ee Smart waxa ku jira afar walxaha sunta ah kuwaasi oo kala ah : Bromine, Mercury, Lead iyo Chlorine. Kawani waxay noqon karaan kuwo halis ah oo sumaysan haddii aan loo isticmaalin si wanaagsan oo sax ah.
Daraasad la sameeyay sanadkii 2004 ayaa muujisay in sadex meeloodow meel hadhaaga qashinka telefoonadu uu yahay walxo sun ah. Waxayna warbixintu sheegtay inay halis ku tahay deegaanka iyo caafimaadkaba ka dib marka la gubo. Waxaana goobaha qaarkood laga helay in ciidii caadiga ahayd isu bedeshay kimiko sun ah oo ka halis badan 100 jeer ciideedii caadiga ahayd.
Dawladda Maraykanka ayaa heegaan u ahayd arinkan iyadoo samaysay hay’ado la socda arimaha deegaanka dhibaatada halista ah ku keenaya.