Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Danayste Ku Sifeeyay Cali KHaliif Galaydh “Cali Khaliif Naftiisa Ayuu Matelaa, Nin Dadkaa Waxtar Ugu Maqana Maaha” Wasiirka Biyaha

0
343

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa hogaamiyaha kooxda nabaddiidka ah ee Khaatumo   Cali Khaliif Galaydh ku tilmaamay shaqsi aanu metelin dadka deegaamada Sool iyo Buuhoodle, balse uu fikirkiisa oo kaliya ka turjumayo, isla markaana uu danihiisa siyaasadeed ugaga faa’iidaysanayo colaad uu ka abuuro deegaamadaasi.
 
Mudane Baashe Cali Jaamac waxa kale oo uu sheegay in Xukuumad ahaan ay ku dedaalayaan sidii horumar loo gaadhsin lahaa deegaanada bariga Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Buuhoodle, horena looga fuliyay mashaariic horumarineed oo u tiro badan, kuwaaso oo ay qayb ka yihiin adeegyada asaasiga ah ee arrimaha bulshadda.
 
“Dhaqdhaqaaqaa hadda uu ka wado Billi-cad, mooyi wuxuu uga jeedo, ma beesha caalamka ayuu is tusayaa, ma cid kale ayuu is tusayaa?, wuxuu uga jeedo ilaa hadda nuxurkeeda maanu ogaan, laakiin kolay uun dadka deegaanku waxay soo sheegayaan inuu nabadgelyo darro iyo dagaal abaabulayo ayay dadka qaar sheegayaan,” ayuu yidhi mudane Baashe Cali Jaamac.
 
Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “Markaa ma qabo in Cali Khaliif hadda ka turjumayo cabasho kasta oo jirta iyo wax kasta oo dadkaasi tabanayaan, Cali Khaliif naftiisa uun buu metelayaa Nin dadkaas u maqan ama wax u taraya maaha inuu fidmo u keeno mooye.” Ayuu yidhi Wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac.
“Xukuumad ahaan iyo annaguba waxaanu ku dedaalaynaa in labada sanno ee soo socda,  inaanu bariga culays saarno oo aanu aad wax uga qabano. Waxaan leeyahay nabadda qaata, dadka deegaankaas aamisan tabashada waxaan leeyahay waxaad doonaysaan wada hadal ku raadsada, mase qabo xataa Khaatumo haddii ay maanta cid la hadasho inay matasho deegaankaas badankiisa, kollay deegaan aad u yar bay ka meteshaa,” Ayuu yidhi Wasiirka biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo u waramay Telefishanka Som-News Tv.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply