Xildhibaan Nacnac Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Loo Soo Jeediyay

0
348

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wkaiiladda ayaa tilmaamay in  aanay jirin wax musuqmaasuqa oo ay ku kacday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
 
Xildhibaan Nacnac oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay  mujaahid dalka u soo halgamay waxaana uu tilmaamay in aanu ahayn madaxweyne Siilaanyo nin aduun doonaya.
 
Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ madaxweynuhu maaha nin aduun doonaya oo lagu sheego inuu urur  sanayo waa nin mujaahida oo waddanka soo xoreeyay markaa waa ku ceeb ninkii waxaas yidhaahdo, geed hoostii ayuu u fadhiistay, madaxweynuhu halgankii dalka lagu xoreeyay isagoo wasiir ah ayuu iskaga yimid dawladii Somalia, waligii Siilaanyo ayaa musuqmaasuq lagu xantaa waa noo maanta waana Mandelaha Somaliland oo taariikhda ayuu galay.”
 
Xildhibaan Nacnac waxa kale oo uu sheegay  in madaxweyne Siilaanyo awood u leeyahay in uu soo  celiyo xeerarka iyo go’aamada ka soo baxa golaha wakiiladda maadaama uu dastuurku awood u siiyay.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply