Komishanka Doorashooyinka Oo Bilaabay Tijaabada Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha

0
395

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in ay bilaabeen tijaabadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka.
Cabdiqaadir Iimaan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu tilmaamay in goboladda Maroodi Jeex iyo Togdheer laga sameeyay tijaabada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaana uu carabka ku dhuftay  in aan dadku ku noqnoqon Karin diiwaangelinta codbixiyeyaasha sidii hore u dhici jirtay isla markaaana cidii isku dayda in ay ku noqnoqoto diiwaangelinta  ay mudan doonto ciqaab iyo ganaax.
“waxa aanu maanta tijaabinaynaa qalabkii lagu galayay diiwaangelinta codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu hawlgali doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee soo socota iyo doorashaddaba, qalabkan waa mid inagu cusub oo digital ah, waxaanu ku soo tijaabinay shaqaalaha Koomishanka doorashooyinka  iyo wakiilo ka socda saddexda xisbi qaran, waxa la gaadhay wakhtigii aanu dibada u soo saari lahayn diiwaangelinta codbixiyayaasha,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
 
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa aynu joognaa  xaruntii gudida qandaraasyada qaranka, taas oo aynu ku qabanayno tijaabadii afraad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waa tijaabo socon doonto afar maalmood, waxaana ay ka socon doontaa laba gobol oo kala ah Maroodi Jeex iyoTogdheer.”
 
C/qaadir Iimaan waxa uu ku dooday  in aan diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadku ku noqnoon Karin sidii hore u dhici jirtay waxaana uu yidhi “diiwaangelinta codbixiyeyaasha laguma  noqnoqon karo, waxaanu uga digaynaa bulshadda in aanay ku noqnoqon Karin sidii tii hore, haddii xaga xeerka la eegana golaha baarlamaanka ayaa xeer ka soo saaray qofka is yidhaahda ku noqo ciqaab iyo ganaax ayuu mutaysanayaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply