“Markii Hore Waan Shaqaysan Jiray, Imikana Dawladda Ayaan u Shaqeeyaa, Mana Jirto Lacag Aan Ku Faanayaa…”

0
397

Hargeysa (Dawan):-  Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan, ayaa jawaab ka bixiyay warar ay baahiyeen warbaahintu oo sheegay inuu magaaladda Hargeysa  kulamo kula yeeshay weriyeyaal ay isku hayb yihiin, kuwaas oo la sheegay inuu ka dalbaday inay  taageero la garab istaagaan.
Wasiir Xirsi oo shalay saxaafaddu arrintaasi wax ka weydiisay waxa kale oo uu sheegay in aanu  wakhtigan loolan ugu jirin musharaxnimada xisbiga KULMIYE, waxaanu tilmaamay inuu hore u shaaciyay in Madaxweyne Siilaanyo mar kale u tartamayo musharaxnimada KULMIYE.
 
“Midna ma arag, kooxna ma arag, waana mushkiladda dadka abuuraya qabyaaladda iyo qudhunka, kuwaas ayaa ku adeeganaya, waxay tidhaa Soomaalidu tuug intaanad tuug ku odhan ayuu tuug kugu yidhaa.  waa mid isagu qabyaaladda ka shaqaynaya. Anigana saxaafaddu way ii siman tahay mana jirto qof iyo koox aan gaar u arkay,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyadda  oo warbaahintu weydiisay inuu shakhsiyan ku faanay dhaqaale badan  oo uu haysto, waxa uu ku jawaabay “Warkaasi waa mid been ah,haddii aad caddayn haysaana soo bandhig, mana sheegin anigu, markaan halkan(Kursiga) imid waxaan ahaa nin shaqaysta oo xoogsada ee maan ahayn nin dawarsada,mana ahayn Nin baahan. Markaan  imidna waan ladnaa imikana waan ladanahay oo mahad ILAAHAY ayaan joogaa, mana jirto lacag aan haysto oo aan dadka ugu faanayo, ee dawladda ayaan u shaqeeyaa waana la I yaqaan, la igumana yaqaan dadka lacagta doona ee hunguriga badan, ee waa beenaaleyaasha warka aan jirin ururiya ee madaxda iyo dadka Ummadda u shaqaynaya ku weerara.”
Sidoo kale Wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cali  X. Xasan oo la waydiiyay inuu sharaxan yahay kadib markii muddooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen inuu tartan ugu jiro hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxa uu ku jawaabay “Taas waanigii hore uga jawaabay ee idhi Madaxweynahayga ayaaba sharaxan ee maxaan anigu sharaxnaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply