Shirkii Kooxda Cali Khaliif Uga Socday Degaanka Balli-cad oo Lagu Kala Yaacay

0
410

Buuhoodle (Dawan)- Shir Cali Khaliif  Gallaydh iyo kooxdiisa nabad-diidka ah uga furmay tuulada Balli-cad oo qiyaastii 90km dhinaca bari ka xigta magaalada Buuhoodle horraantii bishan, ayaa ku dhammaaday fashil iyo in lagu kala yaaco gelinkii hore ee shalay.
 
Sida uu warbixintan innoogu diyaariyay weriye Faysal Axmed Kaarshe oo ka tirsan DAWAN, waxaanu warbixintiisu u dhignayd sidan:-
 
“Shirkan oo ay ku wada hadlayeen baarlamanka golaha xukuumadda dhalanteedka ah ee kooxda Khaatumo oo ku bilaabmay jewi xasaasi ah, isla markaana warbaahinta laga mamnuucay, ayaa xogo  rasmiya oo laga helay muujiyeen inuu shirkaasi burburay, kadib markii khilaaf culus ka dhex qarxday kooxda Cali Khaliif ee qoriga dabka leh la dhex wareegaya degaannada gobollada Sool iyo Buuhoodle ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Khilaafka sababay burburka shirkii kooxda Khaatumo ee tuulada Ballicad oo ka dhashay riyada madaxweynenimada Cali Khaliif  oo ahaa rajooyinka taageerayaashiisu dugsanayeen, balse hadda u muuqda qaar sii gudhaya oo aan rajo dambe laga qabin inay sii dugsadaan.
Ugu horreyn, Cali Khaliif Galladh oo la sugayey inuu shirka uga warramo waxyaabaha u soo qabsoomay muddo sannad ah oo ka maqnaa, ayaa ku soo ururay riyooyin meesha ka saaray kalsoonidii kooxdiisu ku qabeen, iyadoo arrintaasina sababtay in gebi ahaanba shirku burburo, laguna kala yaaco.
 
Waxa kale oo shirkaas ka qayb-galay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee beelaha Sool iyo Buuhoodle, balse waxa diiday ka qaybgalkiisa inta badan madax-dhaqameedyada ugu miisaanka weyn degaannadaas, waxaana isimada saamaynta weyn leh ee maqnaanshahooda aadka looga dareemay shirka kooxda Cali Khaliif ee burburay kala yihiin Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Ugaas Cabdillaahi Ciise, Boqor Maxamuud Axmed Cali, Garaad Cabdisalaan Hurre iyo Garaad Saleebaan Buraale, kuwaas oo dhammaantooda qaadacay ka qaybgalka shirka kooxdaas.
 
Sidoo kale, waxa iyaguna shirkaas ka muquurtay qaar ka mid ah xubnaha ku magacaaban golaha wasiirrada maamulka dhalanteedka ah ee Khaatumo, kadib markii sida xoguhu tibaaxeen ay saluugeen qorshaha Cali Khaliif Galladh kala yimi Muqdisho.
Arrimahaas iyo khilaafyada cakiran ee ka dhex aloosmay xubnaha ka qayb galay shirkaas ayaa sababay inay ka dareeraan xubno ka mid ah golayaasha oo miisaan shaqsi iyo beeleedba ku lahaa shirka subaxnimadii shalay, waxana ergooyinka shirka ka duday hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mr. Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Shirtag).
Mr. Shirtag oo warbaahinta la hadlay markii uu shirka ka baxay shalay, waxa uu yidhi; “Shirka ka socday Balli-cad oo ujeeddadiisu ahayd wada-tashi, in wixii xumaaday la saxo, wixii soo socdana laga wada tashado, waan ka baxay guddoomiye ahaan iyo xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Khaatumo, khaas ahaan beesha Ugaadhyahan, kadib markii aannu tashi dheer wada galay shirkaas waannu ka biyo diidnay, waanuna ka baxnay.”
Waxa kaloo uu sheegay in ujeeddadii shirka la marin habaabiyey, sidii loogu tallo-galayna laga duway, “Sidaa darteed, aniga iyo xildhibaanada aannu isku fikirka nahay waannu ka baxnay, kamana mid nihin, wax kaloo faahfaahin ahna oo aan xilligan ka bixinayaana ma jirto, waxaanuna la sugaynaa waqtigeeda iyo munaasibkeeda, kana hor dhici maynno,” ayuu yidhi Shirtag.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu fashil ku dhammaado shir ay soo abaabuleen kooxda nabad-diidka ah ee Cali Khaliif hoggaamiyo, waxana hore u guuldarraystay shirar iyo kulamo kooxdaasi ku yeesheen degaannada gobollada Sool iyo Buuhoodle.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply