Dad Noolaa Muddo Laga Joogo 3 Milyan Oo Sanno Oo Laga Helay Lafahooda Koonfur Afrika

0
351

Khubaro dhinaca Sayniska ah ayaa dalkaasi Koonfur Afrika ka helay lafaha dad ay sheegeen inay noolaayeen waqtiyo hore,kuwaas oo ay ku sheegeen inay noolaayeen muddo laga joogo 3 milyan oo sanno.
Dadkan ayay sheegeen inay ahaayeen dad aan hore loo aqoon,kuwaas oo hadda uun taariikhdooda la helay,sidoo kalena ahaa dad buuragaleen ah,guryohooduna godadka ahaayeen.
Lafahan ayaa laga helay god yar oo aan sidaasi uga sii fogay magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Afrika,kuwaas oo ay ka heleen kooxdaasi Saynisyahanada ahi,waxaana lafaha dadkaasi loo soo qaaday isla magaaladaasi oo muddo lagu baadhaayey DNA-dooda.
Khubaradan ayaa sheegay inay dadkani qaarada Afrika ku noolaan jireen muddo hadda laga joogo 3 milyan oo sanno,sidoo kalena ay ahaayeen kuwo maskax yar siday khubaradaasi sheegeen markii ay sharaxaada ka bixinayeen dadkaasi ay lafahooda heleen.
Dadkan waxa ka hadlay Professor Lee Berger oo ah madaxa kooxdan Saynisyahanada ah,waxaanu sheegay inay hayaan cadaymo muujinaaya in dadkan ay lafahooda heleen ahaayeen dad deganaa qaaradan waqtigaasi 3 milyan ee sanno ka hor ah,sidoo kalena lagu magcaabi jiray Homo Naledi,kuwaas oo aqoon badana u lahaa inay aasaan maydadkooda,taas oo muujinaysa inay dadka qaarkood waqtigaasi ka ilbaxsanaayeen.
 
 
 
 
 

Leave a Reply