Xayawaanku Wuu Ogaan Karaa Masiibada Dhacaysa!

0
388

Dareenka xayawaano badani ay ku  ogaadaan masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ku noqday culimada mid ay awoodi waayeen inay fahmaan.  Xayaawanka ayaa maqlaya ama arkaya waxyaabo aanay maqlayn insaanku. Arinkaasi ayaa noqday mid mucjiso ah, waxaana jira xayawaano badan oo iyagu dareemay marka ay soo dhowaatay dhicidda dhul gariir ama duufaano, Roobab halis ah iwm.
Culimada ayaa rumaysan in xayawaanku ay leeyihiin awood ay ku dareemaan bilowga hore ee masiibooyinka sida hirarka ruxanka ee dhul gariirka, kaasi oo aanu lahayn dadku. Tusaale ahaan waxay usoo qaateen in sanadkii 2004 oo uu dhacay  duufaankii Sunaamigu ay Maroodiyaashu ka hor dhicitaankiisa fuuleen  buuraha, sidoo kale Shimbirihii ayaa halkaasi iyagoo kooxo ah ka qaxay maalmo ka hor Sunaamiga. Waxa kale oo yaab noqotay in Ey wakhtigaasi joogay Huteelka Orchid ee ku Sumatra ee dalka Indonisiya  uu kala joojin waayay cidiisa isla markaana uu ku wareegaystay Huteelka  oo dabaq ah markii uu waayay  meel uu ka baxo sida ay sheegeen shaqaalihii Huteelka . Maamulaha Huteelka lahaa ayaa sheegay inuu u  qaatay  in Eygu ku waashay raashin la siiyay.
Waxa kale oo khubarada arinkan baadhay cadeeyeen inkasta oo jiraan xayawaan aan iyagu awood u lahayn ogaansha masiibooyinka haddana iyag laftigoodu ay ka muuqato calaamado argagax oo dadka tusinya inay jiraan wax aan caadi ahayn, Sidaas drteed xaywaanka badankoodu si buuxda ayay u saadaaliynaan masiibooyinka dabiiciga ah.
 

Leave a Reply