Xuska Mareykanka ee Weeraradii 9/11

0
674

Mareykanka waxaa shalay laga xusay sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabanayaa munaasabado kala duwan oo lagaga hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay.
Madaxweyne Obama, oo ay wehliyaan xaaskiisa Michelle iyo shaqaalaha aqalka cad ayaa maalintan ku xusay daqiiqad aamusnaan ah banaanka aqalka cad, saacaddu marka ay ahayd 8:46AM, markaasi oo ah waqtiga diyaaraddii koowaad ay ku dhacday xarunta ganacsiga adduunka ee New York.
Galabta-na, madaxweynaha ayaa kullan kula qaadan doona ciidamada, magaalada Fort Meade ee u dhow Washington DC, isaga oo dadka Mareykanka kala hadli doono sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in dalka uu sii ahaado mid nabadagalyo ah.
Magaalada New York-na, waxaa isku soo baxay ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, oo qabtay munaasabad ay ku akhriyayaan dhammaan magacyada dadkii weerarku lagu dilay.
Sidoo kale, xarunta gaashaandhigga ee Pentagon-ka waxaa xaflad ku qabtay xoghayaha difaaca Ash Carter. Pentagon-ka waxaa ku geeriyooday 184 qof, markii sidoo kale ay diyaarad ku dhacday, 11-kii September 2001.

Leave a Reply