Duurjoogtii oo ka Carareysaa Kenya

0
383

Duurjoogtii Kenya ayaa u dib ugu qaxaya Soomaaliya iyaga oo ka cararaya howgallada Kenya  wado ee ka dhanka ah al shabaab.
Maroodiyadii duurka, libaaxyadii, harimacadkii gerigii, lo’dibadeedii iyo gorayadii ayaa lagu arkay  jubbada hoose ee Soomaaliya. Waa markii ugu horeysay ee lagu arko xayawaanadaasi  muddo tobanaan sano ah dalkaasi ku yaal bariga Afrika.
Xayawaanadan ayaa la rumeysan yahay in ay ka carareen keymaha Boni oo ay ka socdaan hawlgallo amni oo ka dhan kooxda Alshabaab ee hubeysan oo ka howlgala deegaanadaasi.
Keymaleyda Boni  oo ah seere qaran oo la ilaalayo waxa ay xad la wadaagtaa Soomaaliya.
Xayawaanadan duurjoogta ah ayaa dib ugu soo laabanaya tirooyin badan.
Farah Haybe,  oo ah guddoomiyaha Badhaadhe ayaa u sheegay  Al Jazeera in gudaha magaalada lagu arkey gorayadii oo wareegaysa. Sida oo kalenena lagu arkey duleedka magaalada harimacaadkii iyo maroodiyadii.
 
Keymaleyda jiqda ah ayaa loo adeegsan jirey in ay hoy u noqdaan xayawaanada duurjoogta iyo shimbiraha ilaa burburkii dagaalkii Soomaaliya 1991, kaasi oo faraha ka saarey ugaadhsatadii.
Xayawaanadii ka baxsadey ugaadhsatada ayaa u gudbey oo u haajirey Kenya. Haseyeeshee waqtigan oo xaaladihii isbeddelayaan ayaa la sheegayaa  in ay dib u noqonayaan.
 

Leave a Reply