Xukuumadda Somaliland iyo Baanka Aduunka Oo Kala Saxeexday Mashaariic Ay Ku Baxayaan Hal Milyan Oo Dollar

0
291

Hargeysa (Dawan):  Baanka aduunka ayaa Somaliland ka caawinaya mashaariic dhinca horumarinta ah oo ay ku baxayso qadar lacageed oo dhan hal milyan oo dollar ah, kaas oo ay maamulayso wasaaradda maaliyadda.
 
Heshiiskaasi  oo ku qotoma mashaariic lagu horumarinayo adeegyada biyaha, beeraha iyo degaanka,  Mashaariicdan horumarineed ee ay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland iyo baanka adduunka ayay qayb ka noqon doonaan biyo xidheenno laga sameeyo dooxyada waaweyn ee dhex mara Somaliland oo inta badan biyaha u qaada si xawli leh, ilsa markaana  inta badana badda ku dara biyaha roobka.
 
Munaasibadii ay labadda dhinac ku kala saxeexanayeen heshiiskaasi oo shaly lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargaysa. Waxaana xafladaasi  wasiirrada maaliyadda, degaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo masuuliyiin kale.
 
Waxaana  ugu horayn halkaasi ka hadashay wasiirka wasaarada maaliyhada marwo Samsam Cabdi Adan, iyada oo ka warbixisay mashruucan lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee bulshada.
Wasiir Samsam oo hashiiskaasi ka hadlaysay waxay tidhi  “Waxaanu halkan ku saxeexanay heshiis ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo  Worl Banka oo dhinaca biyaha ah,  oo ay leeyihiin wasaaradaha Deegaanka, Wasaaradda Biyaha iyo wasaaradda Beeraha.  Laakiin   lacagtoodu u soo marayso wasaarada Maaliyada,  oo aanu hashiiskii la saxeexanay, mashaariicdaasi oo ah mid ka dhexeeya saddexdaas  wasaaradood ayaanu halkan ku kala saxeexanaynay,  oo intan imika u horeysaa ay tahay Hal Milyan oo Doolar.  Markaa  sidaa ayuu heshiiskaasi noogu dhamaaday,  oo aanu ku saxeexnay”.
 
Wasiirka maaliyada  waxa kale oo ay intaas  ku dartay “Waxa mashaariicdan hirgalinaaya oo iska leh qorshaheeda iyo soo bandhistiisa iyo ka qayb qaadashadiisaba Somaliland, waana sababta caawimada la inagu siinayo, dawlada Somaliland baa sameysay, dabadeetana markii ay arkeen in hawshaa ay dawladu ka shaqeynayso ayaa World Bankuna ay yidhaaheen waxbaanu idiinku daraynaa, taas ayaanuna maanta halkan ku kala saxeexanay” ayay tidhi wasiir Samsam.
 
 
Sidoo kale wasiirka   degaanka iyo horumarinta reer miyiga  Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa iyadna halkaasi   ka hadashay.   “Hishiiskani waa mid ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo baanka aduunka (World Banka), hishiiskaasi oo ah inay dhinaca biyaha inaga caawiyaan. Kaasi  oo ah inay inaga caawiyaan dooxyada oo la xidhayo,  oo ay ka wada faa’iidaysan doonan beeraha,  Xoolaha iyo dadka kale ee soconayaba.  Waana  mashruuc sannad imika laga soo shaqeynayay, oo  gebagebo ah wasaarada Maaliyadda ayaanay soo maraysaa lacagtaasi” ayay tidhi wasiir Shugri Baandare.
 
Marwo Shugri waxa kale oo ay ka hadashay mashaariicdani iyo wakhtiyadda ay lacagahaasi soo gaadhayaan. Waxaanay tidhi “Waxaananu aad ugu faraxsannahay in imika la sameeyay wax alla wixii  shuruuddo  ahaa, kuwaasi oo ay wasiirradu saxeexeen, madaxweynuhuna marka danbe saxeexi doono.  Marka  golaha baarlamaanka uu soo maro,  dhamaanba  wixii inoo sahlaayay inay dawladeena iyo wasaaradeena Maaliyada wax inoo soo maraan,  taasi oo ay ku amaanan tahay wasaarada maaliyadu.
Kana  soo shaqaysay,  iskuna taxlujisay sidii ay lacagtaasi inoogu iman lahayd,  oo anaguna ka wasaarad ahaan iyo wasaaradahayaga kaleba aanu uga faa’iidaysan lahayn. Markaa  baanka aduunka   sanadkaa aanu soo wada shaqaynaynay,  aad iyo aad ayay ugu amaanan yihiin,  waxaanan rejaynaynaa  in aanu sida uu mashruucani yahay uga soo wada bixidoono”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply