Oday u dhashay wadanka Hindiya oo lagu magcaabo Faysal Xasan Quadri ayaa beer uu lee yahay ka dhex dhisay guri yar oo uu u ekaysiiyey guriga caanka ah ee Tajmaxaal,kaas oo ku yaala wadanka Hindiya .
Warbixintan oo lagu qoray wargeyska The Daily Mirror ayaa lagu sheegay in odaygan oo ka fadhiistay shaqada ,da’ahaana gaadhaaya 80 sanno jir uu ku kharash gareeyey lacagtii kaydka u ahayd gebi ahaanba dhisma gurigaasi,waxaanu gurigaasi ku dhisay lacag gaadhaysa 170,000 si uu u dhiso aqal u eg guriga caanka ah ee Tajmaxaal,waxaanu doonaayey inuu ku xusuusto gurigaasi xaasikiisii oo geeryootay,waxaanay wada noolaayeen muddo gaadheysa ilaa 53 sanno.
Odaygan ayaa dhismaha gurigan waday muddo saddex sanno ah,isaga oo dhisay dhisme gaadhaaya ilaa 8 meter,ilaa haddana gurigaasi muu dhamayn ninkaas odayga ahi,waxaana soo foodsaaray dhibaato dhaqaale oo ka hortimid.
Ninkan ayaa beer uu lee yahay oo uu hore u iibsaday lagana siiyey 92,000 oo Dollar ka dhisay gurigan ,isaga oo markii dambena helay $23,000 oo dollar ,kadib markii uu iibiyey dahabkii ay ka dhimatay xaaskiisu.
Ninkan ayaan weli dhamayn gurigaasi,waxaana u hadhay hagaajinta beerta ka horeysa gurigaasi,isaga oo sidoo kalena doonaaya inuu hagaajiyo gudaha hore ee gurigaasi,waxaanu sheegay inuu dad badan oo reer Hindiya ah ka codsaday mucaawimo dhaqaale laakiin ay diideen,isaga oo diidmadaasi ku sababeeyey gurigan oo ah mid shaqsi lee yahay,madaama oo uu isagu ugu deeqay xaaskiisaasi,waxaanu sheegay inuu isagu dib u shaqayn doono ,si uu u dhameeyo,kadibna uu dhamayn doono.
Guriga lamidka ah ee Tajmaxaal ayaa ah guri caalamka ka caan ah,waxaanu dhismihiisu socday muddo 20 sanno ah.