Mucjisada: Gumaysiga QudhaanJad

0
378

Qudhaanjada oo ah makhluuq aad u balaadhan oo haddana ah kuwa ugu itaalka yar ayaa la ogaaday inay ka mid yihiin nooc culimadu ay bixiyeen qudhaanjada dhiigyacabka ah. Noocan qidhaanajad ayaa ku duusha noocyada kale  ee qudhaanjada ee jaarka  la ah. Waxay ku ganaan gantaalo waxaana ay ka dishaa madaxadooda, iyadoo la wareegta wiixii ay kaydsadeen oo dhan.
Nooca qudhaanjada  ee weerarka qaaday ayaa kooxda kale oo dhan ku khasabta inay u sheqeeyaan oo raaciyad u noqdaan waxaana ay ula macaamilaan inay yihiin adoomo oo kale.  Waxaana qaabkan culimadu u bixyeen Gumaysiga Qudhaanjada.
Waxa kale oo culimadu nooluhu  ogaadeen geedo badan oo iyaguna sun ku sii daaya geedaha kale ee jaarkooda ah una dhow si ay u dhintaan oo biyaha ula qaybsan oo ay keligood u helaan. Waana arrimaha yaabka iyo mucjisada ku noqday  cilmi baadhayaasha  in xataa geeduhu ay noqdaan kuwo anaani.

Leave a Reply