Guriga Kunka Shaydaan Ee Belgim!

0
399

Waxa huteelkan lagu magacaaba Guriga kunka Shaydaan, wuxu ku yaalla Belgim, gudihiisa aya ah mid cabasi kugu beeraya, waxaana ka muuqdo sawiro naxdin leh iyo qalfoofka aadmiga oo lafahooda oo meel badan la sudhay.
Huteelkan waxa la furay bishii October 1dii, sanadkii 1997. Dhamaan dadka yimaada waxay ka naxaan muuqaalka gudihiisa , iyo qiiqa ka baxa saqafkiisa sare, iyo weliba looxaanta gudaha ee dhaqdhaqaaqa samaysa iyado aanu jirin qof  muuqda oo wada iyo ariimo badan oo yaab leh oo kale.
Huteelka gudihiisa waxa ku yaalla Boodh ay ku qoran tahay “ Ku  Qaade Jaxiima”, waxaana aad ku arkaysaa muuqaalada ay caanka ku yihiin kooxaha caabuda Shaydaanka sida dharka ay xidhaan. Xataa beertiisa ayaa ah mid cabsi leh. Dabaqa labaad ee Huteelka waxa ka socda caadooyinka iyo dhaqanada dadka caabuda shaydaanka.  Huteelkan ayaa la sheegay inay dad badani u  yimaadaan inay aqoon ka kororsadaan. Waana huteel sababta loo sameeyay dad badan muran ku dhaliyay.

Leave a Reply