Wasaaradda Warfaafinta Oo Bayaamisay Kaalinta Ay Ka Qadanayso Tartanka Goboladda

0
316

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta   Somaliland  marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa ka hadashay doorka ay wasaaradda warfaafintu ka qaadanayso tebinta iyo baahinta ciyaaraha tartanka goboladda dalka, kuwaasi oo maanta gelinka dambe ka kala furi doona magaalooyinka Boorama iyo Burco.
 
Waxaanay  sheegtay wasiir ku xigeenku  in ay ka wasaarad ahaan si weyn ugu diyaariyeen sidii ay waaxyabah kala duwan ee wasaaradu uga hawl-gelin lahaayeen ciyaaraha goboladda.
 
Shugri Xariir oo shalay warbaahinta  la hadashay ayaa tilmaantay in Telefishanka qaranka iyo  idaacadda radio Hargeysa ay si  toosa u soo gud-bin doonaan ciyaaraha goboladda,  sidoo kalena  wargeyska dawladda ee DAWAN  isna si joogto ah loogu   qori doono habsami u socodka tartanka ciyaaraha goboladda.
“Waxa loo kala qaybiyay ciyaaraha goboladda Somaliland  Bari iyo  Galbeed.  Burco  waxaa  ku ciyaari doona 7 gobol,  Boorama-na  waxaa  ku  ciyaari  doona 7  gobol.  Arrintaasi  waxay  noqotay  mid guul weyn  laga  gaadhay.  Madaxweynaha  Somaliland  gacan weyn  ayuu ka geystay  sidii ay u suurto-geli lahayd in ciyaaraha goboladu ka dhacaan Somaliland.  Waanay   ka qayb qaadanaysaa wasaaradda warfaafintu  ciyaaraha goboladda,  TV-ga  qaranka,  wargeyska Dawan,  wakaaladda wararka ee Solna iyo Radio Hargeysa”ayay tidhi marwo Shugri Xariir.
 
Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay sida ay warbaahinta dawladu uga hawl-gelayso. Waxaanay tidhi “Guud ahaan intuba waxaa  qollo  waliba ay ka qaadanaysaa kaalinta kaga  aadan ciyaaraha goboladda.  dhamaan goboladda dalka iyo dalalka caalamka oo dhan waxaa  si toos ah  loogu gudbin doonaa ciyaaraha  goboladda iyo sida ay u dhacayaan,  anagoo  kaashanayna aqoonta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta,  anagoo ka duulayna awooda farsamo iyo qalab ee wasaaradda warfaafinta,  waxaanu qorshaynay in si talan-taali ah  loo gudbiyo tartanka ciyaaraha goboladda”.
 
Wasiir ku xigeenka warfaafinta  waxa  kale oo ay tilmaantay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin is-dhexgalka bulshadda “Ciyaaruhu sidoodaba waxay ka qayb qaataan,  oo ay muhiim u yihiin is-dhexgalka  bulshadda.  Waxay   ciyaaruhu muujinayaan amnigu inta uu le’eg yahay iyo dhaqaaluhu halka uu gaadhsiisan yahay.
Sidaa awgeed ayaa iyadoo qaranku ku tashanayo cududiisa ayaad arkaysaa in Somaliland  gaadhay in ciyaarihii  goboladda lagu kala qabtay Burco iyo Boorama” ayay tidhi wasiir ku xigeenka warfaafinta.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply