Xildhibaan Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Dadweynaha Barriga Sanaag Ka Difaacdo Puntland

0
286

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa ka hadlay nin kalluumaysato ah oo dhawaan ciidamadda maamul goboleedka Soomaaliya ee Putland ay ku dileen degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Xildhibaaka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tayayso ciidamada booliska iyo kuwa qaranka ee ku sugan degmadda Laasqoray, maadaama oo ay ciidamada  Puntland dil ka gaysteen halkaasi.
“Arrintaasi waxa ay ahayd arrin fool xun oo dhacday dad aan hubaysnayn oo iska xamaalanaya oo shaqaysanaya oo aan hubaysnayn ayaa xabad lala dhacay,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaasi ku daray “Gacan ka xaq darran ayaa dishay, waanan u tacsiyadaynayaa inankaa dhintay oo ka soo jeeday reer Saldanad ah.”
Xildhibaanku waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay  bulshadda barriga Sanaag ka badbaadiyaan maleeshiyaadka Puntland, waxaanu yidhi “Ciidamadu way tageen meesha hawlgalna way sameeyeen, laakiin waxa ay u baahan tahay in deegaankii laga hawl-galo oo ciidamadii loo qalabeeyo oo mar walba ay joogaan oo heegan ahaadaan. maaha marka ay  wax dhacaan in la yidhaahdo maxaa la sameeyaa, waxa la rabaa in ay meesha deegaan ku ahaadaan, waxaana aan filayaa in xukuumadduna ka hawl-gali doonto.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply