Ireland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyadda Somaliland

0
302

Ireland(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamauud (Silaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku  dhaqan wadanka Ireland. Weftiga oo booqasho ku jooga dalka Ireland, waxay munaasibad ballaadhan la qaateen bulsho-weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland.
 
Jaaliyada ku dhaqan dalka  Ireland oo laga dareemay siday ugu  jeellanaayeen dal jacayl aan qiyaas lahayn iyo inay la kulmaan   Madaxda Somaliland,  waxaa kulankaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira waxgarad, Haween iyo dhalinyarraba.
 
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xog ogaal warameen Xaalada dalku  hadda marayo iyo Safarka Weftigu ku yimi dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaameen inay  natiijo wanaagsani uga soo baxday socdaalkooda Ireland.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay gabo-gabadii kulankaasi, waxaanu  si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay Jaaliyada Ireland ku qaabileen Weftiga uu hoggaaminaayo. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu  sheegay inay dedaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhi lahaa, una heli lahaa aqoonsiga beesha Caalamka, waxaanu  ugu baaqay guud ahaan Shacbiga dibadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalka  joogaba inay isku duubnaadaan una midoobaan danta dalkooda.
 
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayay oo maal mihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Weftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan  dhinaca Waddanka Ingiriiska.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply