Obama oo ka Raaligeliyay MSF Duqeyntii Kunduz

0
365

Madaxweynaha Mareykanka  Barack Obama ayaa ka raaligeliyay madaxweynaha heyada  gargaarka ee  Medecins San Frontieres  duqeyntii ay ku dhinteen ugu yaraan  22  qof.
Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeynta Kunduz, aheyd khalad iyada oo lala rabey weerarka Daalibaan
Mr Obama waxa kale oo uu raalligeliyay madaxweynaha  Afghanistan.
 
 
Dhinaca kale, Hayadda gargaarka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay inay doonayso Gudiga Caalamiga ee Xaqiiqa Raadiska ah ee hoos yimaada heshiiskii Geneva (Geneva Convention) inuu baadho weerarkii Maraykanka uu ku qaaday isbitaalkooda magaalada Kunduz ee Afganistan.
Madaxweynaha Hayadda, Dr Joanne Liu, ayaa sheegay in weerarka oo dilay toban bukaan iyo laba iyo toban shaqaalaha MSF, inuu ahaa weerar lagu qaaday heshiiskii Geneva ee masuulka ka ah sida loo dhaqmo dagaalka.
Dr Liu, ayaa sheegay sida ay isku badalayaan hadalka ka soo baxaya Maraykanka iyo Afghanistan inaan la aamini karin milatariga dhexdiisa inay baadhitaan sameeyaan.
Salaasadii, taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afghanistan ayaa sheegay weerarka inuu qalad ahaa.

Leave a Reply