Ciidamada dowladda Suuriya oo ay taageerayaan Xisbullah, ayaa lagu soo warramayaa in ay horay ugu sii siqeen falaagada, kaddib duqeymaha cirka Ruushka.
Ilo wareedyo dowladda iyo ololeeyayaal, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay qabsadeen labo magaalo oo gobolka waqooyi galbeed ee Idlib, oo u dhow wado muhiim ah oo isku xidha Dimishiiq iyo magaalooyinka kale.
Ka hor faragelinta Ruushka, ayey magalada Idlib ku dhaweyd in ay wada gasho gacanta isbahaysiga falaagada, kuwaasi oo iyaguba la dagaalayay IS.
Ruushka, ayaa sheegtay in markii labaad militeriga Mareykanka kula yeelatay kullan isgaarsiinta layska arko ah, si ay ugala hadasho sidii looga fogaan lahaa in diyaaradaha labada dal aysan isugu dhicin hawada Suuriya.
Ruushka, ayaa qaaday in ka badan 60 weerar oo cirka 24kii saac ee la soo dhaafay