Turkiga Oo Shir La Xidhiidha Furdaaminta Khilaafka Maamulka Hawadda Isku Soo Hor-fadhiisinaya Somaliland Iyo Soomaaliya

0
407

“Muranka Ka Taagan Mashruuca Hawada Xal u Noqon Maayo Xamar Oo Laga Taago Taawar Laga Maamulaa”
 “Yeeli Mayno Wax Qarannimada Ummaddayada Meel Ka Dhac Ku Ah” Wasiirka Duulista
 
 
Hargeysa (Dawan) –Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Safar shaqo ugu ambo-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb-galayaan wada hadallo lagu xallinayo khilaafka Maamulka hawada oo ay fududeysay dawladda Turkigu.
Wasiirka Duulista Somaliland oo ay safarkiisa ku wehelinayaan afar xubnood oo ka mid ah Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu Saxaafadda u qabtay ka hor inta aanay ka dhoofin Madaarka Cigaal ee Hargeysa faah-faahiyey ujeeddada Shirka ka furmaya dalka Turkiga iyo Mowqifka dawlad ahaan ay ka taagan yihiin muranka ilaa hadda ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.
Wasiir Xaashi oo arrimahaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Wefti ka kooban aniga iyo afar xubnood oo kale waxaanu  u baxaynaa Waddanka Turkiga oo aanu kaga qayb-galeyno shir dawladda Turkigu nagu Casuuntay. Shirkaa waxa lagaga wada hadlayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Murankii ka taagnaa mashruucii Hawada ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee imikana noqday Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkaa waxa ka qayb-galaya Dawladaha Somaliland, Turkiga, Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO oo Mashruucan gacanta ku haysa imika.”
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu intaa ku daray “Sidaynu la wada soconno Mashruucan ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO muddo dheer ayuu wada hadalkeedu soconayey ismaan dhaaf iyo is afgaran waa baa ka soo baxay, markaa shirka aanu Turkiga u tageyno waxa loo qabanayaa inuu xalliyo khilaafaadkaas, waxaanu ILLAAHAY ka rajeynaynaa inaanu Xallinno”
Wasiirka Duulista Somaliland waxa uu ka waramay waxa u qorsheysan inay la hor-fadhiistaan weftiga ka imanaya dhanka Soomaaliya “Haddii aanu nahay weftiga Wasaaradda Duulista ee ka tagaya Somaliland annaga oo ka masuula Xukuumadda iyo Qaranka intiisa kaleba waxaanu xambaarsannahay farriimo iyo Mabda’a cad iyo aragti cad, waayo ? waxaanu ku doodeynaa waa wixii ummaddani xaqa u lahayn, wax ummadda Somaliland xaq u leedahayna gorgortan ka geli mayno oo cidna uga tagi mayno, lanagama gacan maroojin karin oo lanagama caqli badin karo, waxaanu difaaceyno ee aanu doonaynaana waa waxaas. Waxaanu shacabka Somaliland iyo Qoomiyadaha kale ee Soomaalida u caddeynaynaa inaanu nahay Qaran wixii ay galaan oofinaya, waxa kale oo aanu caddeynaynaa inaanu jecelahay in arrintaa is-afgarad lagu xalliyo, taana Macnaheedu maaha inaanu soo debacnay oo wixii aanu hore u lahayn burinayno ama aanu ka tanaasulay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu tilmaamay in shirkani ka miisaan culus yahay kuwii hore “Shirkan waxaan is leeyahay waa shir ka miisaan weyn shirarkii hore, waayo ? hala isku afgarto ama yaan la isku afgarane waa shir afara geesood ah, waa markii u horeysay ee hay’addii gacanta ku haysay Hawada, dalka Turkiga oo waddanka markii hore wada hadalka iyo labadayadii dhinac, markaa waxaan is leeyahay waa shir ka culus shirarkii hore, waana shir aan siyaasad kale Salka ku haynin ee arrintan uun dulucdeeda abbaaraya, arrimihii hore iyo wixii la iska yidhina halkii bay yaallaan, imikana Somaliland waxa Miiska u yaala saddex aragtiyood oo kala ah, in heshiiskii hore ee Istanbul in la fuliyo oo Mashruucaasi noqdo mid isku jira oo guddi Madax-bannaani oo labada dal ka kooban   maamusho, halka Mashruuca laga maamulayaana tahay Caasimadda Hargeysa, in Mashruuca loo qaybiyo Somaliland iyo Soomaaliya farsamo ahaanna waa looga wada hadli, qodobka saddexaad ee noo muuqda waxa weeyaan in Qaramada Midoobay ama dal saddexaad loo dhiibee in gacanta loogu hayo inta Soomaali wax loo qaybinayo”
Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu tilmaamay in Taawar dawladda Soomaaliya ka taagtay Muqdisho si looga Maamulo Hawada Somaliland iyo Soomaaliya aanu xal u noqonayn khilaafka jira “Muranka ka taagan Mashruuca Hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga maamulaa, annaguna yeeli mayno wax Qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Wasiir Xaashi.
Sadexda xubnood ee Wasiir Xaashi safarkaasi ku wehelinayey ayaa kale ahaa Wasiir ku xigeenka Duulista Saciid Cabdi Maxamed, Agaasimaha Duulista Saciid Mahadi Ileeye, iyo La Taliyaha Wasiirka, Axmed Cumar Caga-dable.
 

Leave a Reply