Maxaad Ka Taqaanaa 10 Madaxweyne Ee Ugu Qanisan Qaaradan Afrika

0
1137

Qaaradan Afrika ayaa ah qaaradda labaad ee ugu weyn caalamka,sidoo kalena waa qaaradda labaad ee ugu dadka badan qaaradda Aduunka,laakiin nasiib daro waa qaaradda ugu faqiirsan,iyada oo ay dangiigaan macdano iyo wax soo saar dabiici ah oo dhex fadhiya,waxaanay dadka inta ugu badan ku nooli halgan ugu jiraan sidii ay u noolaan lahaayeen.
madaxweyneyaasha qaaradan ka taliya ayaa lagu sheegaa inay yihiin dadka ugu qanisan dadka qaaradan ku nool,haddaba waxa dhowaan lasoo saaray liis ay ku qoran yihin madaxweyneyaasha ugu qanisan qaaradan Afrika,kuwaas oo kala ahaa:-
1:Jose Eduardo dos Santos:waa madaxweynaha dalka Angola,waana madaxweyne inta badan qarsoon oo saamayntiisu yartahay,waxaanu xukunka dalkaasi Qabsaday sannadkii 1979,waxaana lacagta uu haysto lagu qiyaasaa inay gaadhayso ilaa $20 billion oo Dollar.
dadka reer Angola ayaa lacagta ay maalintii ku nool yihiin waxay ka yar tahay $2 Dollar,taas oo ah mid ka hoosaysa heerka qiyaasta ee faqriga.
gabadha uu dhalay madaxweynahani oo lagu magcaabo Isabel Dos Santos ayaa iyaduna kamida dadka ugu maalka badan qaaradan Afrika,waxaanay haysataa lacag dhan $3.8 billion  oo lacagta Dollar-ka Maraykanka ah,waana gabadha ugu taajirsan qaaradan Afrika,sidoo kalena waa gabadha dumarka madow ee caalamka ugu taajirsan.
2:Mohammed VI:ninkani waa boqorka dalkaasi Morocco,sidoo kalena marka laga yimaado inuu yahay boqorka dalkaasi ,waa nin ganacsade ah ,waxaanu haystaa lacag dhan ama kaba badan $2.5 billion oo lacagta Maraykanka ah.
boqorkan ayaa taashka boqornimo la saaray kadib markii uu dhintay aabihii sannadkii 199-kii,waxaanu markiiba bilaabay sidii uu xuquuqda aadamaha u kobcin lahaa iyo sidii uu dalkaasi faqriga uga saari lahaa.
3:Teodoro Obiang Nguema Mbasogo:ninkani waa madaxweynaha dalka Equatorial Guinea,waxaanu xukunka dalkaasi qabtay sannadkii 1979 kii,waxaanu ka qabsaday adeerkii Francisco Macias Nguema oo uu afgenbi kaga qabsadday,waxaanu soo saaray saliida dalkaasi oo markii ugu horeysay lasoo saaray sannadkii 1990 kii.
waxaanay madaxweynahan iyo reerkiisuba heleen markiiba dhaqaale balaadhan,waxaanu nasiib u helay shakhsiyan lacag dhan $600 million,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Forbes Magazine oo uu helay wargeyska Dawan waxa  bishii October 2011 dawlada Maraykanku inankiisa ku qabatay lacag dhan $70 million oo Dollar .
wadanka Equatorial Guinea ayaa ah wadanka labaad ee qaaradda Afrika ugu qanisan ,waana wadan dadkiisu ku nool yihiin nolol ka saraysa nolosha faqriga.
4:Uhuru Muigai Kenyatta:ninkani waa madaxweynaha dalkaasi Kenya,waana wiilka uu dhalay madaxweynihii ugu horeeyey ee wadanka Kenya,sannadkii 2011 waxa lagu qiyaasay lacagta uu haystay Kenyatta lacag dhan $500 million,waxaanay ka timid hantidiisa inta badani hanti uu lee yahay.
qoyska madaxweyne Kenyatta ayaa ah kuwo leh shirkaddo waaweyn sida Brookside Dairies,shirkad dhinaca warbaahinta ah oo lagu magcaabo Mediamax,Heritage hudheelo la yidhaahdo ,Baanan ganacsi oo lagu magcaabo Commercial Banks of Africa,iyo boqolaal kun oo dhulka Kenya ah.
waxaanu madaxweynahaasi dadkiisa u balan qaaday inay gaadhi doonaan sannadka 2030 midnimo reer Kenya ah iyo caafimaad bilaasha oo dhamaystiran.
5:Paul Biya:ninkani waa madaxweynaha dalkaasi Cameroon,waxaanu xilkaasi soo hayey ilaa sannadkii 1982-kii,waxaana lacagta uu haysto lagu sheegay inay gaadhayso ilaa $200 million oo lacagta Maraykanka ah.
sida lagu daabacay wargeyska ForiegnPolicy,dadka reer Cameroon waxay ku nool yihiin wax ka yar $1 maalintii,taas oo ah mid hoos martay halka lagu calaamadiyo heerka faqiirnimada caalamka.
madaxweynaha ayaa kharash gareeya lacago aad u badan,iyada oo waqtiyada uu fasaxa yahay lagu sheego kharasha uu galaa mid ka badan kuwa uu galo madaxweynaha Maraykanku,waxaanu sheegay sannadkii 2009 kii wargeyska laga lee yahay France in lacagaha ku baxay madaxweynahaasi ay yihiin kuwo ka dhigay ninka ugu kharashka badan madaxweyneyaasha caalamka.
waxaanu maalintii ku kiraystaa meelaha uu tegaayo lacag dhan 30,000 oo Euro oo u dhiganta $40,000 oo lacagta Maraykanka ah maalintii. Lasoco…..
 

Leave a Reply