Wasiirka Biyaha Oo Soo Kormeeray Mashriicda Biyo Balaadhinta Berbera

0
340

Berbera(Dawan): Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Somaliland Baashe Cali Jaamac, oo  socdaal shaqo ku jooga gobolka Saaxil  ayaa shalay kormeer  indho-indhayn ah  ku soo maray  halka ay marayaan  mashaariicda biyo balaadhinta  magaaladda Berbera  oo ka kala socda  Dubaar iyo Faradeero.
Mashaariicda biyo balaadhinta Berbera ee laga waddo degaamadda Dubaar iyo Faradeero, oo ay hirgelinaysa xukuumadu, isla markaana  laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Kuwaasi oo ah todoba Ceel-biyood.
 
 
Kormeerka uu shalay wasiirku ku soo maray  halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Berbera waxaa ku wehelinayay  madaxda Gobolka  Saaxil iyo kuwa degmada Berbera iyo maamulka Wakaaladda Biyaha Berbera.
 
 
Baashe Cali Jaamac, oo ka hadlay mashaariicdaasi ayaa balan qaaday in ay si dhakhso ah u dhamays-tirayaan  todoba ceel  biyood ee  hadda gacanta lagu hayo,  isla markaana  kuwo  kale oo cusub lagu soo kordhin doono. Waxaanu  sheegay in Berbera ay tahay magaallo muhiim ah, isla markaana dhul xeeb ah ku taalla sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay hesho biyo badan.
 
 
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halkan (Dubaar) iyo Faradeero-ba waxaa laga samaynayaa sahamin biyo balaadhineed si  biyo badan oo intan ka   badan loogu helo magaaladda.  sanadkan sanadka ka dambeeya xiliga  Xagaagga waxaa noo qorshaysan in ay magaaladu hesho biyo badan oo dad iyo duunyoba ku filan”.
 
 
Waxaanu intaasi ku daray “Berbera waa magaalo muhiim u ah nolosheena waana magaalo xeebeed kulayl ah markaa in ay biyo  intan ay imika haysato ka badan  hesho, ayaan ku dedaalaynaa imikana waxaan rejaynayaa in ay todobadan ceel  dhakhso u dhamaadaan,  oo ay wax soo kordhiyaan. Waxaa kale oo la samayn doonaa sahamin iyo baadhis.  marka baadhitaanka la sameeyana waxaa laga soo saari doonaa ceelal biyood oo intan ka badan”ayuu yidhi wasiir Baashe.
Dhinaca kale wasiirka Khayraadka Biyaha,  oo weli Berbera ku sugan  waxa  uu kulamo kala duwan  la yeeshay madaxda gobolka  Saaxil iyo kuwa degmada Berbera iyo sidoo kale maamulka Wakaaladda Biyaha magaaladda Berbera. Kulamadaasi oo la xidhiidhay sidii ay dhinacyadaasi uga qayb qaadan lahaayeen mashaariicda biyo balaadhinta Berbera.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply