Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo La Kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Labour Party UK

0
320

London (Dawan):- Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdcasiis Cagoweyne oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal hawleed ku joogay dalka Ingiriiska ayaa shalay kulan la qaatay hogaamiyaha xisbiga Labour Party ee dalka Ingiriiska Mr. Jeremy Corbyn iyo maayarka Bristol.
Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargeysa oo booqday  magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa halkaasi kula kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Dalkaasi Mr. Mudane Jeremy Corbyn,  oo isaguna sidoo kale isla shalay booqday magaalada Bristol. Xildhibaan Cabdicasiis Cagawayne waxa uu hogaamiyaha xisbigaasi shaqaalaha uga waramay taariikhda iyo sooyaalka shacbiga iyo dalka Somaliland, isaga oo gacanta ka geliyay qoraalo xambaarsan taariikhda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay ka soo gudubtay Somaliland.
Mr. Jeremy ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga dharagsan yahay taariikhda Shacbiga iyo Dalka Somaliland. Waxa kale oo uu Maayar ku xigeenku la kulmay qoraalo muhiim ahna u dhiibay Maayarka magaalada Bristol ee doorashada ku yimaada Mudane George Ferguson. Waxaana uu uga warramay taariikhda Somaliland iyo gaar ahaan Dawladaha Hoose.
Maayar ku xigeenku waxa kale oo uu la kulmay madax badan oo kala duwan, sida madaxda Booliska Bristol iyo Siyaasiyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Murashaxa Maayarka Bristol ee Xisbiga Shaqaalaha Mudane Marvin Rees.
Kulankan maayar ku xigeenka caasimada Somaliland ee Hargeysa  uu la yeeshay hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha dalka Ingiriiska iyo masuuliyiinta kale, waxaa door weyn oo wax ku ool ah ka qaatay qabsoomidiisa Xildhibaanad Hibaaq Jaamac oo ka tirsan golaha deegaanka ee Bristol.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply