Nepal: Xadgudubka Khurafaadka Macbadka

0
350

Chanelka CNN ayaa xaqiijiyay in saaxir u dhashay Nepal uu qirtay inuu wiil yar oo 10 jir gawracay. Saaxirka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay kuwa ugu caansan saaxiriinta ku nool dalkaasi. Madaxa Denbi baadhayaasha booliiska Nepal ah ayaa cadeeyay in Saaxirkan oo lagu magacaabo Shaman uu qirtay isagoon cabsiyi ku jirn inuu ficilkaasi xun sameeyay. Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Jefan Kohar, ayuu saaxirku sheegay inuu doonayay inuu abaal gud u siiyo dhiigiisa Rooxaanta macbadka si uu u bogsado wiil yar oo uu dhalay oo bukay. Waxayna ahayd arrin aad naxdin u leh.
 
Wiilka yar waxa soo kexeeyay koox qaraabada saaxirka ah iyagoo siiyay wax yar oo lacag ah iyo buskul isagoo la ciyaarayay koox kale oo caruur ah.
Deegaankan oo lagu magacaabo Kodya oo ku taalla xadka ay  Hidniya la leeyiihn Nepal aya ah meel ay ku nool yihiin dadka ugu saboolsan dalkaasi isla markaana aan aqoonta lahayn.  Xukuumadda ayaa sheegtay inay qaadayso talaabooyin wacyi gelin ah oo dadka jahligaasi foosha xun ee ay faafiyeen saaxiriintu dagaal lagu qaadayo.

Leave a Reply