Xaakimkii Dadka Dacwada Dhegaysanayay Wada Xukumay!

0
341

Dalka Kanada Nin da’ ah oo sabool ah ayaa maxkamada lagu soo taagay isago xaday Roodhi. Odayga ayaa qirtay denbiga isagoo aan warwareegin ayuu yidhi “ Aniga ayaa xaday , waxaana igu kelifay anigoo aad u gaajooday, ilaa aan ku dhowaaday inaan u dhinto gaajo”.
Xaakinkii ayaa ku yidhi “ Mar hadaad qiratay inaad tuug ahayd , waxaan kugu xukumay $ 10, waxaan ogahay in aanad haysan, sidaas darteedna aniga ayaa ka bixinaya, jeebadiisa ayuu ka soo saaray waana uu bixiyay” . Laakiin Qaadiga ayaa intaasi ka dib istaagay isagoo eegay dadkii Maxkamada fadhiyay waxaana uu ku yidhi “ Dhamaantiin waxaan idinku xukumay qofka kasta $ 10, maxaa yeelay waxaad ku nooshihiin dal ay saboolku ku gaajoonayaan oo ay kelifayso inay roodhi xadaan” . Fadhigaasi Qaadigu wuxu Odaygii saboolka ah uga ururiyay $ 480 ,  kaasi oo markii danbe qaatay Odaygu.

Leave a Reply