Shirkada Gaadiida Ee Volkswagen Oo Qasaartay 3.8 Bilyan Oo Dollar

0
384

Shirkada baabuurta ee laga leeyahay dalkaJarmalka ee loo yaqaan Volkswagen ayaa diiwaan galisay qasaaraheedii saddexda bilood ee ugu horeeyay mudo shan iyo toban sanno ah. Shirkada ayaa hadda ku dhex jira fadeexo la xiriirta been ay ka sheegeen qiiqa ay sii daayaan baabuurta naftada ee ay dadka ka iibiyeen.
Tiradii ugu horaysay tan iyo markii ay dhacday fadeexada bil ka hor, ayaa sheegaysa qasaaro saddex bilood oo dhan 3.8 bilyan oo dollar.
Laakiin sicirkii saamiyada Volkswagen ayaa kordhay. Dadka ka faalooda ayaa sheegaya in qasaaraha uu ka yimid in ka badan toddobo bilyan oo dollar, oo ay meel u dhigtay si loogu bixiyo ganaaxyo la bixinayo iyo lacag la siinayo dadkii qiyaamada ay saamaysay.
 

Leave a Reply