Hargeysa (Dawan): Chief Caaqil Cabdillaahi Ismaaciil, oo ka mid ah cuqaasha gobolka Saanag ayaa beeniyay in hub ka soo degay xeebaha gobolkaasi, waxaanu tilmaamay in arrintaasi tahay dacaayad la buun-buuniyay.
Chief Caaqil Cabdillaahi, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa, waxa uu yidhi “Waxaa jirta hadal hayn beryahan danbe suuqa ku jirtay, oo la leeyahay gobolka Sanaag hub laga soo dejiyay wax allaale iyo wax ka jiraana ma jiraan, waana been abuur, waana arrin la buun buuniyay. Waxaanu caddeynayna in aanay arrintaasi waxba ka jirin, xeebuhuna waa xeebahayagii oo ciidankii Badda ayaa jooga oo taliyeyaashii ayaa jooga. Waxna kama jiraan wararkaasi. Waa war aan sal iyo raadtoona lahayn oo anagaa soo xaqiijinay, anagaana madaxdhaqameedkeedii ah, anagaana odayaasheedii ah, hadalkaasina waa hadal been ah.”
Chief Caaqil Cabdilaahi Ismaaciil, oo madaxweynaha ku hambalyayna wasiirrada uu magacaabay waxa uu yidhi “Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa wasiirradii uu magacaabay madaxweynuhu, waanu ku mahadsan yahay. Waananu kula shaqaynaynaa, waananu soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay reer Ceerigaabo madaxweynaha waanu ku hanbalyaynaynaa. Waxaan intaa ku dari-lahaa in xubnihii xilalka iska casilay waxaanu leenahay halala xisaabtamo. Wadanka madaxweynaha ayaanu u igmanay oo na xukuma. Waxaananu leenahay madaxweyne waa in nimanka talaabo laga qaado, oo lala xisaabtama haddii ay ceeb ka saliim noqdaana, umadooda ka mid noqdaan, haddii kalena sharciga la mariya.”
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office