Khubarada cilmi nafsiga ayaa cadeeyay in cadhada badani ay keento in qofka uu cimrigiisu degdego. Cadhadan oo ka dhalan karta qoyska dhexdiisa , shaqada iyo wado marida ayaa dadka lagu dhiirigeliyay inay muujiyaan dulqaad iyo inay cadhada iska dhaafaan.
Waxaana ay khubarada jaamacada Aiwa oo daraaasadan sanado badan waday ay baadheen dad gaadhaya 30 kun qof kuwaasi oo ay ka soo ururiyeen macluumaadkan.
Daraasadda ayaa cadaysay in ragga cadhada badani ay u badan yihiin kuwo cimrigoodu gaabto marka loo eego kuwa aan cadhoon ama dulqaadkoodu weyn yahay, iyadoo dumarkuna ay raga kala mid yihiin arinkaasi. Waxaana ay daraasdadu ku talisay in aad la isaga ilaaliyo cadhada xad dhaafka ah taasi oo mararka qaarkood dhaawacda hab dhiska dhiig wareega iyo amarada maskaxda oo ay dhici karto in qofku cadho darteed uu dhaco ama dhintoba.