“Dalkeennu Waa Dimuqraadi, Nidaam Baa Lagu Kala Baxaa Wixii Nidaamkaa Ka Baxsan Ee Nabadgelyadda Wax Yeelaya Cid Laga Yeelayaa Ma Jirto”

0
316

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa nidar ku maray inaanay cidna ka yeeli doonin inay nabad-gelyadda dalka wax u dhinto, waxase uu tilmaamay in siyaasadda la isku khilaafi karo.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad loogu dabaal degayay  sannad guuradda 22-aad ee aasaaska ciidanka Booliska Somaliland oo shalay lagu qabtay xarunta Taliska guud ee Booliska.
Waxa Xafladan waxa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddoomiyaha KULMIYE, Wasiirka Cadaallada, Wasiirka madaxtooyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaan-dhiga iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Somaliland. Waxa kale oo xafladan job joog ka ahaa saraakiil ka socday dawladda Itoobiya iyo dublamaasiyiin ka tirsan safaaradooda Somaliland iyo Ha’yadaha caalamiga ah ee taageera ciidanka Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska  sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka booliska iyo wixii u qabsoomay waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa farxad noo ah in aan xusno sannad guuradii 22-aad ee aasaaska ciidanka Booliska Somaliland oo ka soo bilaamatay 1993kii waxaana soo kobcayay tayada iyo tirada ciidanka booliska oo soo maray  marxalado kala duwan waxaan aan odhan karaa waxa uu maanta marayaa halkii ugu saraysay.”
“Madaxweyne,  waxa aan kaaga mahad-celinayaa balan-qaadkaagii ahaa in aad wax ka qaban doonto dib u eegista cabashadii darajada ciidanka booliska oo sidoodii aad u fulisay.  waxa sannadkan tababaro dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku soo qaatay in ka badan 120 sarkaal iyo 700 oo askari oo iskugu jira Saraakiil, Saraakiil Ku-xigeen xigeen iyo dabley tababaradani waxa ay ka mid yihiin tayaynta iyo horumarinta ciidanka booliska.  waxa kale oo jaamacadaha dalka qalan jabiyay 62 xubnood oo dhammaantood saraakiil ah waxaana shahaadada mastar-ka oo diyaariyay toban sarkaal,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Sareeye Guuto  Cabdilaahi Fadal waxa uu tilmaamay in dugsiyada sare ka qaateen 200 oo askari oo tababar u socdo waxaana uu yidhi  “Waxa kale oo ciidanka booliska ka qayb-qaataan ururinta iyo ilaalinta cashuuraha iyo dakhliga dalka waxa ku jira dugsiga tababarka Mandheera  200 oo askari oo dhammaantood aan ka soo qaadanay dugsiyada sare  iyo jaamacadaha kuwaas oo 120 ka mid ahi ay ka hawl-gali doonaan wasaaradda maaliyadda gaar ahaan qaybta ilaalinta cashuuraha. Waxa kale oo ciidamada booliska gacanta ku dhigeen   1780 qof oo  Oromo ah oo dalkoodii dib ugu celinay dhammaantood 22 bishii tobnaad 2015,  xashiishad hab xirfadlaysan loo soo eekaysiiyay baaggaga jaadka oo kale. Waxa kale oo ciidanka booliska gacanta ku dhigeen 3864 tahriibayaal ah waxa kale oo ay qabteen ciidanka boolisku 56 mukhalasiina oo magafe ah.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi  “Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta ka soo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22-aad ee aas-aaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska Somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano.
waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heer kastuu yahay dadka haddii aan la kala celin oo la ilaalin oo sharciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa innaga fakanaya. Dal Dimuqraadi ah baynu nahay,  dad wada jira baynu nahay Siyaasadda waa layskaga hor imanayaa, dano ayaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa. laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee.”
“Markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanayaa waa layska hor imanayaa,  laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu  haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku ciyaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay.
waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hambalyo aad iyo aad u balaadhan baan u soo jeedinayaa  Ciidanka Booliska, ubadkooda iyo xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”
 
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka booliska yihiin naftood hurayaal u darban in ay waajibkooda ka gutaan ciddii isku dayda inay waxyeesho ammaanka dalka waxaanu  yidhi “Waxaanu  gacanta ku haynaa ciidan dhisan oo hanan kara nabadgalyada gudaha ee dalka Somaliland.  waxay ay awood u leeyihiin inay hantaan xasiloonida wadanka,  daryeelka bulshadda reer Somaliland,  waxaana ciidanka booliska ku suntan yihiin naftood hurayaal aan ka gaban cid kasta oo isku dayda inay wax yeesho nabada qaranka bulshadiisa reer Somaliland waxa ay u  darban yihiin inay xasiloonida sharciga iyo kala dambaynta. Waanan  ku boogaadinayaa dhammaan ciidanka booliska meel kasta oo ay joogaan sida ay uga adag yihiin hawshooda sannadkan waxa aanu kor u qaadnay tayada ciidanka booliska sannadka soo socdana waxa aanu ku dedaalaynaa  in ciidanka booliska Somaliland la mid noqdo ciidamada caalamka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply