Dalalka Hore U Maray Oo Dadkooda Da'doodu Kor U Kacayso Sannadihii Ugu Dambeeyey

0
315

 
Daraasad dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in cel celis ahaan da’da dadka wadamada hore u maray ay kor u kacday 43 sanno ee ugu dambeeyey ,marka laga soo bilaabo sannadkii 1970 ilaa 2013 kii,mudadaasi oo ay u dhaxaysay muddo 10 sanno ahi.
dadkan ayaa la sheegay inay waqtigan ku dhintaan da’adooda oo ah ilaa 80.3 sanno,taas oo ka badan intii ay ku dhiman jireen waqtigaasi ka hor.
daraasadan oo ay sameeyeen khubarro u dhashay wadanka Ruushku ayaa lagu sheegay in ay siyaadey da’da 68 ilaa 70.7 ka,marka loo eego cel celis ahaan sannadihii hore,waxaanay daraasadani awooda ku saareen dadka da’doodu intaas tahay.
daraasadan ayaa natiijadeeda lagu daabacay wargeys lagu magcaabo Economy Jornal oo ay leeyihiin ururka Economic Develompent and Development (OECD).
Wadamada ugu hooseeya ayaa lagu sheegay inay yihiin wadamada Hindiya iyo Koonfur Afrika,kuwaas oo da’doodu gaadho 66.5 sanno,halka ay dadka qaarkoodna labadaasi wadan gaadho 46.8 sanno.
dhanka kalena waxa is bar bar dhig lagu sameeyey wadamada Hindiya iyo Turkey-ga ,kuwaas oo la sheegay inay kor u kacday da’da dadkoodu,waxaanay khubarradani sheegeen inay gaadhaan dadkaasi waqtigan 76.6 sanno ,halka ay hore u gaadhi jireen 55 sanno,waxa kale oo la sheegay in wadanka Hindiya ay hore u ahayd 50 sanno halka ay waqtigana tahay 66.5 sanno.
wadanka Japan ayaa noqday ka ugu dheer da’ahaan isaga oo gaadhay 83.4 sanno,waxa iyaguna ku xigay wadamada Spain,Switzerland ,Faransiiska,Italy iyo Australia.
wadanka Maraykanka ayaa isna dadkiisu ku dhintaan inta badan da’da  78.8 sanno oo dadkiisu noqdeen.
daraasadan ayaa muujisay in dadka caalamka da’doodu isku cel celis ahaan noqoto  33 dumarka ah iyo ragga oo ah 31 sanno.

Leave a Reply