Laba nin oo xaasid iyo Bakhayl kala ah ayaa u tegay boqor, markiiba wuxuu ku yidhi i weydiista waxaad doontaan. Kiina su’aasha ku horeeya mooyee kan labaad waxaan siin doona inta kan hore codsaday laban laabkeed. Labadii nin mid kastaa kan kale ayuu ku yidhaa adigu horee, isagoo ka baqanaya in waxa uu weydiisto laban laabkeed la siiyo kan kale. Markii ay ka la bixi waayeen ayuu boqorku ku yidhi “Haddii aydaan imika dhakhso ii weydiisan qoorta ayaan idinka jaraya.”
Intaasi ka dib ayuu xaasidkii ku yidhi “Boqor anigaa horaynayee, aniga indhahayga mid iga rid”. Waxaanan u doonayaa si bakhaylka labadaba looga rido.” Sidaasi ayay dad badani u fikiraan inay wax muhiim ah naftoodu waydo iyagoo eajaynaya in wax badan muhiim ah ay waayaan dadka kale.