Madaxa ka hortaga musuq maasuqa Nigeria oo la casilay

0
312

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa shaqada ka eryey madaxii hay’adda la dagaallanka musuq maasuqa. Ibrahim Lamorde ayaa guddoomiye ka ahaa guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda tan iyo 2011.

Dowladda Nigeria ayaan weli ka hadlin sababta xilka looga qaaday Mr Lamorde, balse waxaa loo arkaa tallaabo uu madaxweyne Buhari kula dagaallamayo musuq maasuqa lagu eedeeyo xubnaha dowladda.
Madaxweynaha oo horay u ahaa jenaraal ciidammada ka tirsan, ayaa xilka loo doortay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ballanqaaday inuu hagaajinayo siyaasadda musuq maasuq hareeyay ee Nigeria.
Dabayaaqada todobaadkan ayaa waxaa la filayaa in la dhaariyo xubnaha golaha wasiiradda ee dowladda Nigeria.
Soo xulidda wasiiradda ayaa qaatay muddo ka badan shan bilood, waxaana dib u dhacaasi loo tiirinayaa in madaxweyne Buhari uu hubinayay helida shakhsiyaad aan ku takri fali doonin jagadooda.
Arrintaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo Nigeria u dhashay, kuwaasi oo rumeysan in musuq maasuqa oo hortaagan yahay in dalkooda uu gaaro hormar buuxa.

Leave a Reply